China: nin 100 sano jir ah oo ka bogsaday cudurka coronavirus

0

Nin 100 sano jir ah oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa si buuxda uga soo kabtay cudurka loo yaqaan coronavirus.

Waxa uu ka dhigayaa qofkii ugu da’da weynaa ee bukaanka ah ee kasoo bogsada fayraska dilaaga ah, warbaahinta dawladda ayaa werisay maanta.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Xinhua, ayaa soo werisay in bukaan-socodkaan laga soo saaray Sabtidii, 8-dii Maarso, isbitaal ku yaal Wuhan, oo ah xudunta cudurka dillaacay.

Wuxuu maray 13 maalmood oo daaweyn ah.

Shiinaha ayaa soo sheegay in ka badan 80,000 oo kiis iyo ugu yaraan 3,000 oo dhimasho ah, oo badidoodu ka dhacay gobolka Hubei.