“Cid naga joojin kartaana ma jirto oo shirkii wuu soconayaa..” Guddoomiya Xisbiga UICD

0

Hargeysa-(Berberanews)Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si adag uga horyimi go’aanka guddida diiwaangelinta ururrada, waxana uu ku adkaystay in cidda ay daba-fadhiisanayaan ee shirkooda ilaalinaysaa ay tahay maxkamadda saree e dalka, waxana uu yidhi, “waad ogtihiin oo guddida diiwaangelinta ayaan ambiil ka qaadanay, ambiilkiina waxaanu u qaadanay maxkamadda sare, taas oo go’aan soo saartay, go’aankaasina waxa uu ahaa in shirweyne aan caadi ahayn la qabto oo xeerka xisbiga la raaco, kaas ayaanu annagu ku soconaa oo go’aankaas ayaanu fulinaynaa.”

Guddoomiye Faysal waxa uu ku adkasytay inay shirweynahooda aan caadiga ahayn qabsan doonaan muddadii ay hore ugu cayimeen,“shirweynihii aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID, bishan toddobadeeda, ayuu dhacayaa, cid joojin kartaana ma jirto, guddidaasina awood uma laha inay joojiso qaraarkaas maxkamadda”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Faysal Cali-waraabe waxa uu ku adkaystay inaanay guddida diiwaangelintu awood u lahayn inay shirka xisbiga farogeliyaan, isla-markaana aanay cidina hor istaagi Karin shirka uu garabkiisu iclaamiyey, waxana uu yidhi,“Ma jirto meel uu ina ciyaale  kasoo galo qoraalka maxkamadda, mana soo farogelin karo, haddii aanu meel ka qaladnana waanu yeedhaynaa, xeer uu dusha nagaga keeni karaana ma jiro, cid naga joojin kartaana ma jirto oo shirkii wuu soconayaa oo qodabadii ay maxkamaddu na tidhi fuliya ayaanu fulinaynaynaa”.

Mar uu guddoomiye Faysal ka hadlayey kulan isaga iyo guddoomiye Ciyaale hore u dhexmaray oo ay hadallo adag isku weydaarsadeen, ayaa waxa uu yidhi,“Aniga iyo  ina Ciyaale Dubai baanu isku aragnay, ballantii uu qaaday ee uu yidhi aniguu sharcigu gacanta iigu jirtaa buu fulinayaaye bal inuu gacanta ina ciyaale ku jirto iyo inay sharciga waddanka ugu jirto way caddaan doontaa.”