Ciidammada Booliska Somaliland oo si xun u garaacay Suxufi

0
Hargeysa-(Berberanews)-Ciidamadda Sirdoonka iyo ciidanka Booliska, ayaa maanta si xun u garaacay
wariye Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Sh. Ibraahim oo ka tirsan madaxda
wargeyska madaxa banaan ee Foore oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa.

Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab ayaa sheegay in jidh dil iyo garaacis badheedh
ah lagula kacay, isla markaana maxkamadda horteedda ay askartu iskugu
tageen, waxaanu isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Aroortii hore
ayaa wariyeyaal isoo sheegeen inay loo diiday in afarta wariyee xidhan
quraacdii loo geeyo, ka dibna waxaan isku dayey inaan quraacda siiyo,
laakiin markiiba waxa la keenay maxkamadda waxaana kaga daba imid
maxkamadda, anigoo ka codsaday in quraacda raga xidhan la siiyo ka dibna
loo geeyey Quraacdii, ayaa anigoo kamaradda iyo laba mobile gacanta ku sita
uu igu soo cararay nin C.I.D-da ka tirsan oo la yidhaa Cali Askari oo igu
yidhi waxbaad sawiraysay, ka dibna waxa igu dagay hal mar askar faro badan,
waxaanay feedh, bud iyo qoriga dabadiisa igala dhaceen dhabarka, madaxa iyo
Wejiga oo ay iga muuqdaan Bararka, waxaana hortiisa la igu dilayey Taliyaha
Sirdoonka Daahir Muuse Abraar, waxaana kamaraddii iyo Mobilekiiba loo
dhiibay taliyaha Muuse Abraar, Ciidanka jidh dilka igu sameeyey waxay
ahaayeen Ciidanka C.I.D ee wariyeyaasha waday, Ciidankii kale ayaa isku
dayey inay iga qabtaan oo iga furdaamiyey ka dib markii dawakhaaddii iga
ba’day ayaan arkay taliya Muuse Abraar oo qalabkaygii gacanta ku haya,
waxaanu igu daray kiiskii afarta wariye loo haysto oo uu shan igaga dhigay,
laakiin garsoorihii ayaa yidhi halkan afar wariye ayaan ku hayaa ee
wariyahan shanaad muxuu yahay, waxanu yidhi imika ayuu ku soo biiray oo uu
dambi galay isagoo doonaya inuu isla kiis naga wada dhigo, waxaanu
garsoorihii yidhi isaga arrintiisa gaar uga dhigo, ee afartan wariye maxaad
ku haystaan, waxaanay ku eedeeyeen kicin dad iyo inay mudaharaad aan sharci
ahayn la hor yimaadeen madaxtooyadda horteedda”.

Waxaanu intaas ku daray “Nimankii wariyeyaasha ahaa ee xidhnaa waxay
ahaayeen qaar muuqaalkoodu aad u xumaa, waxa hoolka dhexdiisa  ay askartu
ku jug jugaynaysay, iyagoo u diidanaa inay faalal noqdaan, isla markaana
kolba isku soo dhowaynayeyy, iyagoo aflagaaddo iyo cay kula kacayey,
mararka qaarkoodna wariyeyaasha xidhan waalkood caayey oo si bahdilnimo ka
muuqato ula dhaqmayey wariyeyaasha”.

 Cabdirashiid sii sharaxaya siday wax u dhaceen waxa uu yidhi “waxa kale oo
xusid mudan inay Garsoorka ka codsadeen inay xukunkooda si degdeg ah
uxukumo, dabadeed Garsoore wuxu yidh waa la furi doonaa  ee dib u celiya,
waxa xusid mudan in anigoo halkii taagan oo ciidanka dhexdiisa taagan ay
qaarkood gacan ii qaadayeen, ninka aad ii garacayey ee taliyaha hortiisa
igu feedhay waxa la yidhaa CawiL wuxuuna ka mid ahaa askartii wariyeyaasha
waday ee sida axmaqnimadda ula dhaqmayey wariyeyaasha, waxaanu taliyaha
yidhi ninka xidhan maxaad u garacaysaa, waxaanu taliyuhu igu yidhi waxaan
kugu siidaynaya askariga ku soo xidhay ee hortayda kugu garaacaya, waaana
khalad in adigoo xidhan lagu garaaco  ee iska tag intaas ayaad ku badbadee”

Dhinaca kale,  waxa isna Gudaha maxkamadda mudo kooban lagu xidhay Wariye
Cabdiraxmaan Buraale oo ka mid ah wariyeyaasha Telefishanka Somaliland
Space Chanel kaasi oo laga xidhay maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu
markaasi la socday Xoghaya Guud ee Ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamed
Rashiid Muxumed Farax oo Markaasi maxkamdda u joogay hawlo la xidhiidha
wariyeyaasha xidh xidhan.

Wariyeyaashan u xidhan xukuumadda ayaa loola dhaqmay si ka baxsan
bani’aadanimada, kuwaas oo dadweynihii goobta joogay u qaateen inay
maxkamada la keenay rag argagixiso ah oo qarnka dambi ka galay.

Cabdiraxmaan sheikh Cabdiwahaab, ayaa sheegay inay si xun ula dhaqmeen
ciidanku, isla markaana jidh dil u gaysteen, waxa kale oo uu sheegay inay
sidoo kale wariyeyaasha xidhan loola dhaqmo si ka baxsan bani’aadanimada oo
dhibaato badan ka tirsanayaan ciidanka Booliska.

Cabdirashiid ayaa sheegay in wakhtigii la garacayey ay ku daawanayeen
taliyeyaasha goobta joogay, isl markaana u muuqday inay amar ku haystaan
garacidda wariyaasha, isagoo intaas ku daray inay askarta qaarkood sheegay
inay ku amran yihiin in qofkii kamarad ku arkaan ay dilayaan.

Dhinaca kale, xoghayaha guud ee ururka Saxaafadda SOLJA Maxamed Rashiid
Muxumed Faarax ayaa maxkamadda gobolka u gudbiyey codsi ah inay ku
siidaayaan afartan wariye damaanad, isla markaana mar kasta oo ay u
baahdaan maxkamadda la keenayo, haseyeeshee ay dacwadooda ku qaataan
dibadda, haseyeeshee maxkamadda gobolka Hargeysa ayaan illaa hadda uga soo
jawaabin..