Berbera News | Daily News Update

Ciidammada Nato Oo Duqayn Cirka Ah Ku Dilay Wiil Uu Dhalay Hogaamiyaha Liibiya

TRIPOLI: -Ciidamada Isbaheysiga Nato ayaa weerar cirka ah ku dilay Saif al-Arab oo ahaa wiilka ugu yaraa wiilasha uu dhalay hogaamiyaha dalka Libiya Colonel Muammar Gaddafi.

Weerarkan ayaa waxaa lala eegtay guri Villa ahaa oo uu Saif al-Arab ka daganaa Magaalada Tripoli ee caasimada dalkaasi, waxaa sidoo kale ku dhintay weerarka sadex caruur ah oo uu dhalay.

Guriga la duqeeye ayaa lagu soo waramayaa in Colonel Gaddafi qudhiisa uu ku jiraybalse uu ka badbaaday oo aanay waxba gaadhin.

Nato waxay xaqiijisay in ay fulisay weerarkaasi laakin meysan xaqiijin mana beenin wax war ah oo ku saabsan dadka ay ku dishay.

Afhayeen u hadlay Nato oo lagu magacaabo Charles Bouchard ayaa sheegay in ay duqeeyeen dhismooyin milatari oo ku yaala xaafada Bab al-Azizya, waxa uu intaasi ku daray in ay badhtilmaameedsadeen goobo milatari balse aanay beegsan guryo dad deganyihiin.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay ka warhayaan in wararka sheegaya in qof ka mid ah qoyska Col Gaddafi lagu dilay weerarka laakin aanu magac dhabin qofka la dilay.

Wariyaasha tagay goobta la duqeeyey ee Magaalada Tripoli ayaa ku waramaya in dhismaha uu soo gaadhay bur bur xoog leh walina ay ku dhex jirto bambo aan qarxin.

Saif al-Arab oo da’diisu ahayd 29 jir waxa uu ka yaraa walaalkii Saif al-Islam, lwaxaanuu ahaa wiil wax ku bartay dalka Jarmalka, dhawaana ku soo laabtay dalkiisa hooyo ee Libya.

Dowlada Libya waxay xaqiijisay geerida ku timid wiilka Qadaafi, waxaana saxaafada la hadlay afhayeenka dowlada Moussa Ibrahim waxaana uu yiri,: “Natiijadi weerarka wuxushnimada ahaa waxaa ka dhashay geerida walaalkeen Saif al-Arab oo ahaa 29 jir iyo sadex caruur ah oo uu awoowe u ahaa madaxweyne Muammar Gaddafi, guriga waxaa ku jiray hogaamiyaha iyo afadiisa iyo qaar ka mid ah qaraabadiisa, hogaamiyaha wuu nabad qabaa wax dhiba ah masoo gaarin”

Dowlada halka lug ku taagan ee Libiya waxay ku tilmaantay weerarkaasi sirqool toos ah oo lagu dili rabay Qadaafi

Leave a Reply