Ciidammada Sirdoonka Gobolka Saaxil oo ku fashilmay qabashada Maamulaha Dugsi Foojar Gareeyay shahaadada Xafiiska imtixaanaadka Qaranka

0

Saaxil-(Berberanews)-Ciidammada Sirdoonka Gobolka Saaxil, ayaa ku fashilmay qabashada maamule-dugsi ku yaal magaalada Berbera oo foojar-gareeyay  Saxeexa Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax.

Guddoomiyaha Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Md. Daa’uud Axmed Faarax, ayaa todobaadkii hore shaaca ka qaaday dugsi waxbarasho gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Daaroole Education Center, shahaadooyin uu samaystay u isticmaalay shaabadda xafiiska imtixaanaadka iyo saxeexa Guddoomiyaha Xafiiska oo uu ka been-abuuray, si uu bulshada ugu soo jiito, isagoo arrintaas wax-ka-qabashadeeda u gudbiyay Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha ammaanka.

Haseyeeshee xoggo rasmiya oo shebbekadda Berberanews heshay, ayaa daboolka ka qaaday inuu baxsaday Maamulaha Dugsiga Foojar-gareeyay saxeexa xafiiska imtixaanaadka qaranka, ka dib markii uu ku warhelay waraysiga Guddoomiye Daa’uud  siiyay Berberanews iyo Jamhuuriya oo uu kaga digay been abuurka uu iskuulku ku kacay.

Warku waxa uu intaa ku daray Cabdinajiib oo maamule ka ahaa Dugsiga faddeexadda been abuurka ka sammeeyay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku u baxsaday magaalada caasimadda Hargeysa markii ogaaday dacwadda laga gudbiyay ee ciidammada sirdoonku damacsanaayeen inay ku qabtaan, balse ka gaabiyay inay wakhti hore ka hawlgalaan.

Berberanews.com

info@berberanews.com