Ciidanka Booliska Somaliland oo heegan sare la geliyay

0

Hargeysa (Berberanews)- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa heegan ka galay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka si ay u sugaan ammaanka dalka.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gashaanle Sare Faysal Xiis, ayaa sheegay in ciidanku sugayaan ammaanka, waxaannu yidhi; “Waxa ay halkan isugu yimaadeen in ay xilkooda iyo waajibaadkooda gutaan oo ah in ay nabadgelyada dalka sugaan, dambiilayaasha soo qabtaan, toddobaadkii dhawayd ilaa 200 tuug iyo rabshoodayaal ah baa xabsiga dhexe la geeye.”