Ciidanka Booliska Somaliland oo heegan ku jira

0

Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi  Fadal Iimaan, ayaa daboolka ka qaaday inay heegan ku jiraan Ciidanka Booliska Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa inta ay ka socdaan tartanka Ciyaaraha Gobollada.

“Waa Diyaargarowga iyo ilaalinta amniga ciyaaraha iyo nabadgelyada guud, oo ah waajibka uu u taaganyahay ciidanka booliska Somaliland.” ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland waxaa uu farriin u diaray shacabka ku nool caasimadda “Waxaan halkan farriin uga soo jeedinayaa shacabka, gaar ahaan kuwa caasimadda waxaan u soo jeedinayaa sidii looga bartay inay ciidanka booliska la shaqeeyaan oo la ilaaliyaan nabadgelyada.Waxaan u sheegayaa taageerayaasha ciyaaraha Gobollada iyo dhallinyaraduba inay ammaanka ilaaliyaan oo wixii anshaxa ciyaaraha ka baxsan ilaaliyaan.” ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.

Taliyuhu wuxuu ku hanjabay inay gacanadag ku qaabanayaan cid kasta oo isku dayda inay la timaado tallaabo wax u dhimaysa nabadgelyada.