Cilmi-baadhayaal ka socda dalka Spain oo magaalo cusub ka helay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

0

Hargeysa-(Berberanews)-Wasiirka Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa goobjoog ka noqday cilmi-baadhis ay soo bandhigeen khubato ka socota Machad ku yaala dalka Spain  oo soo helay magaalo Qaddiimi ah oo lagu magacaabo FARDOWSA oo laga helay duleedka Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Agaasimaha Waaxda Aataarta Qaddiimiga ah ee Wasaradda Ayaanle Cabdiraxmaan Ibraahin, ayaa ka hadlay magaaladan cusub ee laga helay Somaliland, oo uu sheegay in helitaanka magaaladani tahay waxqabadkii ugu weynaa ee Waaxdaasi ku tallaabsatay sannadkii la soo dhaafay.

Muuqaalkan hoose waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Xogta warbixintan oo dhammaytiran.