Cirro: Annaguna Waddani ahaan Waannu Bilaabaynaa

0

Hargeysa(Berberanews):- Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dhaqammo cusub oo uu Xisbiga talada haya ee Kulmiye soo kordhiyey sababi karaan dhibaatooyin ceeb ku ah Sumcadda Qaranka Somaliland, Midnimada Bulshada, Xorriyadda hadalka, Afkaarta iyo Fikir-gudbinta Xisbiyada iyo Nabadgelyada guud ee Somaliland.

Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay inay Waddani ahaan bilaabayaan wax uu Kulmiye joojin waayey oo ay iyagu muddo joojiyeen, balse markii uu Xisbigii talada dalka hayey ee Kulmiye joojin waayey ay iyaguna bilaabayaan laga bilaabo Khamiistii maanta, waxaas oo ah ama uu ku sheegay Xafladaha ama Munaasibadaha waawayn ee Xisbiyadu qabtaan, kuna qaabbilaan Taageerayaasha iyo Siyaasiyiinta cusub ee ku biira.

Cirro waxa uu sheegay in Sababta Xisbiga Waddani u joojiyey Xafladaha ay ahayd xaaladda Abaaraha iyo marxaladda adag dalka Somaliland ka jira ee Gurmadka iyo Cawimada u baahan, muddo bil iyo dheeraad ahna aanay Waddani ahaan Xaflado qaban, balse uu Kulmiye intaaba waday oo uu joojin waayey, iyaguna bilaabayaan.

Waxa uu digniin u diray Cirro Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo uu ugu baaqay inay ka waantoobaan weerarrada lagu qaadayo Saraakiisha ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu sheegay in laba Habeen ka hor la weeraray Xoghayaha Caddaaladda Waddani iyo Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee Xisbigaas oo isna xalay la weeraray, kuwaasoo labadoodaba lagu weeray gudaha magaalada Hargeysa. Falalkaas waxa uu sheegay Cirro inay Cambaaraynayaan, Hay’adaha Ammaankana ugu baaqayaan inay si dhaqso ah wax uga qabtaan.

Arrimahaas iyo kuwo kale oo Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka dhan ah iyo xaaladaha adag ee Dadka reer Somaliland in badan oo ka mid ah dalka ku haysto oo ay ka mid tahay Waxbarashada Lacagta ah iyo waxyaabo kale-ba, waxa uu Cirro kaga hadlay Hadal uu ka jeediyey Xaflad uu maanta kaga qaybgalay Hargeysa, waxaanan idiinku soo gudbinaynaa hadalkiisa oo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-