Cirro oo sheegay tallaabada ay qaadayaan hadday doorashooyinku qabsoomi waayaan waqtigooda

0

London(Berberanws)– Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilllaahi (Cirro), ayaa sheegay inay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi haddii uu qaban kari waayo oo uu ku fashilmo doorashada Golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee horraanta sannadka 2019-ka u muddaysan ay ka tashan doonaan Xisbiyada Mucaaradka ahi.

Doorashada oo bisha saddexaad ee 2019-ka u muddaysan, ayaa la filayaa inay dib uga dhacdo, ka dib markii khilaaf soo baxay, ku saabsan Kalsoonida Guddiga doorashooyinka ay kala noqdeen Xisbiga Waddani doorashadii Madaxtooyada ee 13-kii November 2017-kii dhacday ka dib, halka Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiyena ku adkaysanayaan in Guddigu joogto.

Cabdiraxmaan-Cirro oo ku sugan dalkan Britain, ayaa waraysi ay BBC-du la yeelatay kaga hadley doorashooyinkaas iyo tallaabada ay qaadayaan hadday qabsoomi waayaan waqtigooda, sababta ay Guddiga doorashada ku diiddan yihiin iyo xalku wuxu noqon karo haddii uu Madaxweynuhuna ku dhegganaado, Mucaaradkuna kalsooni ku qabi waayaan Guddiga hadda joogta ee doorashooyinka Somaliland.

Halkan hoose ka dhagayso kaga Bogo Waraysiga Cabdiraxmaan-Cirro BBC-du la yeelatay ee uu arrimahaas iyo kuwo kaleba kaga hadlay caawa;-