Ciyaar Saaxibtinimo Oo Aad U Xiiso Badan Oo Dhexmartey Kooxaha Asluubta Iyo Xulka Laascanood

0

 Ciyaar  Saaxibtinimo oo u xiiso badan oo dhexmartey Kooxda kubada cagta ee Asluubta iyo Kooxda Xulka Gobolka Sool ayaa shalay ka dhacday Magaalada Hargeysa gaar ahaan Hargeysa Stadium.

Ciyaartan oo ahayd ciyaar aad u xiiso badan isla markaana ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u sareeya ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliiyinta sar sare ee xidhiidhka kubada cagta, dadweyne aad u tiro badan iyo taageerayaasha labadan kooxood. Akhirkiina waxa ay ciyaartu ku dhamaatay 4-3-gool ay guushu ku raacday Kooxda Asluubta, waxaana goolkii Kowaad Asluubta u dhaliyey ciyaaryahanka Mustafe Haybiya, halka laba goolna uu u dhaliyey ciyaaryahanka Yaasin Garabay, waxaana goolka afaraadna uu dhaliyey Ciyaaryahanka lagu magacaabo Ramadaan.

Mustafe Maxamuud Diiriye “kastam”

shaafici_3@hotmail.com