Ciyaaryahan Aguero oo sheegay in uu ka tagi doono Kooxdiisa Atletico Madrid.

0

Weeraryahanka u dhashay wadanka Argentin islamarkaana u ciyaara kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka Spain Atletico Madrid. ee Sergio Aguero ayaa ku dhawaaqay in uu ka tagi doono Kooxdiisa xili ciyaareedka soo socda Aguero oo 22-jir ah ayaa ka codsaday Kooxda in ay iska fasaxaan si uu u tago horyaalada kale duwan ee qaaradda Yurub.Atletico Madrid ayaa Websadka ay internet ku leedahay sidoo kale ku shaacisay in ciyaaryahanka uu dalbaday in la iska fasaxo.Qandaraaska uu kula jiro Kooxda Atletico Madrid Aguero waxa uu ku egyahay sanadda 2014,balse Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu wadaa in ay hoos u dhinto qiimaha lacageed ay ku bixindoonto ciyaaryahanka£52m oo Pound ayeey ku dooneysay Atletico Madridin inay fasaxdo ,balse haatan qiimaha ayeey ka dhigi doonta lacag dhan £40m Pound maadaama uu ciyaaryahanka bogga internetka uu ku leeyahay ku shaaciya in ay doonaayo in uu ka tago kooxda loona baahanyahay koox walba ee soo dalbada isaga loo fasaxo..Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Tottenham ayaa daneynaya ciyaaryahan Sergio Aguero.Ciyaaryahan Aguero ayaa Kooxdiisa ku soo biiray isagoo da’ yar sanadkii 2006, waxa uuna kaga soo biiray kooxda ka ciyaarta horyaalka dalka Argentin ee Independiente .Muddo shan sano uu ku sugnaa Kooxdiisa ayaa waxa uu u dhaliyay 100 gool,sanadkii la soo dhaafay waxa uu kula guuleystay koobka Ueropa League.

Mustafe Maxamuud “kastam”

shaafici_3@hotmail.com