Ciyaaryahan Eric Abidal Oo Qarka U Saaran Inuu Heshiis Cusub U Saxeexo Kooxda Barcelona.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahan Eric Abidal ayaa xaqiijiyay inuu qarka u saaran yahay inuu heshiis cusub u saxeexo kooxda Barcelona.

Abidal oo 32 jir ah ayaa qandraaskiisa haatan waxa uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, lakiin Barcelona ayaa dooneysa inay heshiis cusub ka saxeexato ciyaaryahanka reer France.

Waxaana ay haatan u muuqataa inay helayaan inay sii ceshtaan ciyaaryahankan oo kaga soo biiray kooxda Lyon sannadkii 2007da.

“Waa boqolkiiba sagaashan fursada aan ku sii joogi karo Barcelona” ayuu Abidal u sheegay Canal plus.  ”Xaqiiqdii heshiis waan isla gaadhnay waxaa ka dhiman kaliya in la saxeexo”

“Waan faraxsanahay, waxaana la qeybsaday farxadaas xaaskeyga iyo waalidkeed. Howsheyda waxa ay ka sii socon doontaa Barcelona”.

mustafe maxamud “kasta”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports