Coronavirus: Dadka ka caafimaaday Covid-19 oo dhiiggooda la isticmaali doono

0

Dowladda Britain ayaa isku diyaarineysa in dhiigga dadka ka badbaaday coronavirus ay u isticmaasho la tacaalidda bukaannada isbitaallada jiifa ee xanuunka la ildaran.

Qeybta Dhiigga iyo xubnaha kale ee jirka ee NHS ayaa ka codsaneysa dadka qaar ee ka soo kabtay Covid-19 inay dhiiggooda ku deeqaan si loo qiimeeyo daaweynta tijaabada ku jirta.

Rajada waxa ay tahay in unugyada difaaca ee ay sameeyeen ay gacan ka geysan doonaan in laga nadiifiyo fayraska dadka kale.

Mareykanka ayaa durbaba bilaabay mashruuc weyn oo arrintan lagu daraaseynayo oo ay ku jiraan in kabadan 1,500 oo isbitaal.

Marka qofku uu hayo cudurka Covid-19, hannaanka difaacooda wuxuu ka falcelinaya abuurista unugyada ilaaliya jirka, kaas oo ka hortaga fayraska.

Muddo ka dib waxaa dhismi kara unugyada waxaana laga heli karaa plasma, oo ah qeybta biyaha ah ee dhiigga.

NHSBT waxay hadda u soo dhowaaneysaa bukaannada ka soo kabtay Covid-19, si ay u eegaan haddii dhiigga Plasma – dheecaanka aan midabka lahayn ee dhiigga ka mid ah – ee laga qaado dadka ka caafimaaday kaas oo la siin karo kuwa weli la xanuunsan coronavirus.

Qoraal ka soo baxay hay’adda caafimaadka ayaa lagu yiri: “Waxaan saadaalinaynaa in marka hore la tijaabin doono si dawo degdeg ah loogu heli fayraska Covid-19.

“Haddii si buuxda loo oggolaado, tijaabooyinka waxaa lagu eegi doonaa in haddii dheecaanka qofka caafimaaday lala xiriirin karo xawaaraha bukaan-socodka Covid-19 ee soo-kabashada iyo fursadaha badbaadada haysta”.

“Dhammaan tijaabooyinka caafimaad waa inay raacaan hannaan adag oo oggolaansho ah, si loo ilaaliyo bukaanka loona hubiyo in natiijooyinka adag la soo saaro. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda iyo dhammaan qeybaha ay quseyso si aan ugu dhaqaaqno hannaanka ansixinta sida ugu dhaqsaha badan, uguna macquulsan.”

Kooxaha kale ma sameynayaan arrintan?

Dhowr kooxood oo ku sugan UK ayaa raadinayey in ay isticmaalaan dhiiggan Cas.

Isbitaalka Jaamacadda ee Wales (UHW) oo ku yaal Cardiff ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in ay doonayo inay tijaabiyo tikniyoolajiyadda.

CoronavirusLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Professor Sir Robert Lechler, madaxa Akadeemiyada cilmiga Caafimaadka iyo agaasimaha fulinta ee Iskaashiga Caafimaadka, kaas oo ay ku jiraan King College London iyo saddex isbitaal oo waaweyn oo London ku yaalla, ayaa sidoo kale rajeynaya in ay sameeyaan tijaabo kale oo yar.

Wuxuu doonayaa inuu u isticmaalo dhiigga bukaanka aadka u xanuunsanaya ee aan lahayn ikhtiyaar kale oo aan ahayn daweyn, halka tijaabo qaran oo ballaaran ay socoto.

Wuxuu yiri: “Waan niyad jabi lahaa, haddii aanan arki lahayn bukaannada qaarkood oo qaadanaya qaabkan daaweynta toddobaadyo gudahood. Aynu rajeyno in tijaabada qaran ee NHSBT ay si dhaqso leh u dhaqan gasho.”

Wuxuu yiri, “Britain waxa ay si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqday in ay tijaabiso daawada.

“Waxaan u maleynayaa inay jiraan dhinacyo badan oo cudurka safmarkan ah oo aan dib u eegi doonno, aana dhihi karo, Waxaan la yaabanahay sababta aynaan dhaqso ugu dhaqaaqin. Waxaan u malaynayaa in ay tani ka mid noqon karto kuwaas”.

Maxay tahay xaaladda ka jirta adduunka intiisa kale?

Dunida oo dhan, tijaabooyin ayaa hadda la wadaa, si loo fiiriyo isticmaalka dhiigga Cas ee laga qaaday dadka ka caafimaaday fayraska.

Muddo saddex toddobaad gudahood ah, saynisyahano ku sugan Mareykanka ayaa abaabulay mashruuc dalka oo dhan ah, waxaana illaa iyo hadda lagu daaweeyay ku dhawaad illaa 600 oo bukaanno ah.

Prof Michael Joyner, oo ka socda Mayo Clinic, ayaa hogaaminaya shaqada.

Wuxuu sheegay: “Waxyaabaha aan ku barannay toddobaadkii ugu horreeyay ee maamulka ayaa ah, in aysan jirin calaamado nabadgelyo oo waaweyn oo soo ifbaxay iyo maareynta wax soo saarka oo aan u muuqan in ay keeneyso saameyn aan la filaneyn.

Wuxuu sheegay in daaweynta “adag tahay diyaarna tahay.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo aynaan ka fahmin dhiiggan Cas. Waxaan baran doonnaa waxyaabo badan oo ku saabsan waxa ku jira dhiiggaas, waxyaabaha uu ka kooban yahay, heerarka ka hortagga jira, iyo xaqiiqooyin kale oo dhici kara inta lagu guda jiro toddobaadyada soo socdaan.

“Balse marmarka qaarkood, dhakhtar ahaan, kaliya waa inaad isku daydaa inaad tallaabo u qaaddo yoolka, marka aad gacanta ku dhigto.”

Arrintan gacan maka geysatay fayrasyadii hore?

Isticmaalka dhiigga bukaanka soo bogsaday ma ahan fikrad cusub oo ku saabsan dawo. Waxaa la isticmaalay in ka badan 100-sano kahor inta lagu guda jiray hargabkii ka dilaacay dalka Spain, iyo kuwii dhowaa ee Ebola iyo Sars.

Illaa iyo hadda, daraasado kooban oo keliya ayaa eegay waxtarkiisa, waxaana jira baaritaan aad u fara badan oo u baahan in la sameeyo si loo arko inay tahay arrin muhiim ah ee looga hortagi doono coronavirus.

Bruce Sachais, oo ah sarkaalka ugu sareeya caafimaadka ee Xarunta Dhiiga ee New York, ayaa yiri: “Dadka wax cajiib ah ayey sameeyeen, waxayna imaanayaan ayagoo koox-koox ah.

“Waxaan heynaa boqollaal iyo boqolaal deeq bixiyeyaal ah, waxaana awoodnay inaan durba uruurinno wax kabadan 1,000 cutubyo”.

Runtii waa qalbi-diirnaan in la arko in dadka uu ku dhacay cudurka, heerar kala duwan, welwelkooda ugu weyni uu yahay ‘sidee baan hadda u caawin karnaa kuwa kale?”

Saynisyahanada ayaa sheegaya in dhiigga Cas uusasan noqon doonin rasaas sixir ah.

Balse, halka xulashooyinkayga daaweynta coronavirus ay aad u kooban yihiin, in haddana rajadu tahay inay caawin karto illaa la helo tallaal

Xigasho Bbc Somali