Cudurka garanwaaga ah ee Shiinaha oo caalamka khal khal galiyay

0

Magaalo labaad oo ku taalla waddanka Shiinaha ayaa go’doon la galiyay ka dib markii uu gaaray cudur garanwaa ah oo ka dillaacay dalkaas, kaasoo la isku dayayo in la xakameeyo.

Cudurkan cusub ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha 17 ruux, wuxuuna abuuray cabsi badan oo dunida ku faaftay.

Mas’uuliyiinta waddanka Shiinaha ayaa joojiyay adeegyadii diyaaradaha iyo tareennada ee magaalada Wuhan – oo ah magaalo ay ku nool yihiin 11 malyan oo ruux – waxaana sidoo kale la hakiyay gaagiidkii dadweynaha ee ka dhex shaqeynayay gudaha magaalada.

Tallaabooyin noocaas ah ayaa hadda laga hirgalinayaa magaalada u dhow Wuhan ee lagu magacaabo Huanggang, oo ay ku nool yihiin in ka badan 7 malyan oo qof.

Waxaa la xaqiijiyay in ka badan 500 oo kiis oo cudurkaas ah, wuxuuna kusii fiday dalal ka baxsan Shiinaha.

Cudur-sidahan oo lagu magacaabay “coronavirus” ayaa la aaminsan yahay inuu markii ugu horreysay ka dillaacay suuqa magaalada Wuhan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in suuqa iyo agagaarkiisa ay ahayd meel aad u ur badan, oo uu ku tilmaamay “sida adduunyo gaddoon”.

Xayiraadda lagu soo rogay labadan magaalo ayaa kusoo aadday xilli malaayiin shiineys ah ay u kala safrayaan waddanka, iyagoo u diyaar garoobaya dabaaldagyada sanadka cusub ee Lunar.

Qof kale oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Wuhan ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay illin kusoo istaagtay markii ay maqleen in la xiray adeegyadii gaadiidka ee cirka iyo dhulkaba.

Maxaa ugu dambeeyay?

Xayiraadda lagu soo rogay gaadiidka ka shaqeeya Wuhan ayaa dhaqan gashay galinkii hore ee maanta, waxaana hadda iska haawanaya boosteejooyinka tareennada iyo garoomada diyaaradaha oo caadi ahaan loogu yaqaannay inay aad u mashquul badnaayeen.

Saraakiisha dhinaca caafimaadka ayaa la soo tabiyay inay afka daboosheen, si ay dadka ugu horseedaan arrintaas oo khasab laga dhigay. Waxay kula talinayaan dadka inay ka fogaadaan meelaha la isugu imaado.

Waxaa suuq aad u sarreeya yeeshay goomaha gacmaha la gishto iyo bacaha afka lagu daboosho.

Taobao, oo ah shirkadda ugu weyn ee dhinaca online-ka wax ku iibisa dalka Shiinaha ayaa ganacsatada uga digtay inaysan qiimaha qaaliyeynin iyagoo ka faa’iideysanaya cudurka dillaacay

Cudurkan wuxuu gaaray Mareykanka

Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in hal kiis oo cudurka coronavirus ah laga helay gudaha dalkeeda.

Waaxda xakameynta cudurrada ayaa sheegtay in caabuqaas, oo ka soo billowday Shiinaha, uu ku dhacay qof Mareykanka daggan oo gaaray magaalada Seattle ka dib markii uu ka yimid dalka Shiinaha.

Kuuriyada Waqooyi ayaa si ku meel gaar ah u xirtay xuduudaha ay la wadaagto Shiinaha, iyadoo loo ddiiday dalxiiseyaasha ajaanibta ah inay labada waddan isaga tallaabaan.

Qofka bukaanka ah ee lagu arkay Mareykanka ayaa lasoo tabiyay inuu yahay nin ay da’diisa tahay 30meeyo, kaasoo magaalada Wuhan kasoo laabtay 15-kii bishan January.

Tallaabadaas ayaa loo qaaday si looga hor tago cudurka, sida uu sheegay nin ka howl gala hay’adaha ka shaqeeya arrimaha dalxiiska.

Dhakhtar ku sugan Isbitaal ku yaalla Wuhan ayaa la hadlay BBC-da

Caabuqan ayaa u sii fidaya si xowli ah oo argagax leh. Isbitaallada waxaa ku qulqulaya kumannaan bukaanno ah, oo saacado badan sugaya dhakhaatiirta – waadna qiyaasi kartaa naxdinta ay qabaan.

Sida caadiga ah, Wuhan waa meel ku habboon in lagu noolaado, waana ku faannaa shaqadeenna. – dhakhaatiirtuna waxay si wanaagsan u yaqaannaan habka loo baaro caabuqa coronavirus iyo daweyntiisaba.

.Lahaanshaha sawirkaTHE CENTRAL HOSPITAL OF WUHAN VIA WEIBO/REUTERSImage captionIbitaalka guud ee magaalada Wuhan

Laakiin aniga waxaan ka cabsi qabaa in kani uu yahay caabuq cusub oo aan la garaneynin, tirada dadka uu soo ridanayana aad bay u badan yihiin.

Labo maalmood ka hor waxaa naloo sheegayaa inaannaan shaqada aadin, si uusan cudurka noogu dhicin. Haddii aan guryaheenna aadeyno annagoo u soconna Isbitaallada, waxaa nalaga doonayaa inaan afka iyo sanka xiranno.

Dadka oo dhan waxay soo jarteen tigidho ay ugu safri lahaayeen munaasabadda Lunar, laakiin hadda ma bixi karaan, qof walbana wuu xayiran yahay.

Presentational grey line

Maxaan ka naqannaa caabuqan?

Cudurkan oo hadda loo yaqaanno 2019-nCoV, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah xanuunka coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani’aadanka.

Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus.

Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.

Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.

Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.

.Lahaanshaha sawirkaAFPImage caption.

Tirada dadka uu soo ritay fayraska ee dalka Shiinaha ayaa ka badan tan rasmiga ah ee ay saraakiisha dalkaas soo saareen, sida ay saynisyahanno BBC-da u sheegeen.

Waxaa jiray 45 kiis oo ay sheybaarradu xaqiijiyeen oo fayraska cusub ah, balse khubarada UK ayaa ku qiyaasaya in tiradu ay tahay ilaa 1,700 oo kiis.

Muxuu yahay sawirka guud ee dunida?

Dalalka caalamka ayaa ku dhawaaqay in baaritaanno lagu sameynayo dadka kasoo safray waddanka Shiinaha.

Waddanka Thailand ayaa xaqiijiyay in laga helay ilaa afar kiis, waana tirada ugu badan ee ka baxsan Shiinaha.

Dalalka Mareykanka, Japan, Taiwan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dhammaantood soo tabiyay midkiiba hal kiis.

Kiiskii ugu horreeyay Mareykanka waxaa la shaaciyay Talaadadii. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid “gabi ahaanba la xakameeyay”.