Dabley hubaysan oo weerartay guriga Maayarka Borama

0

Maayirka Magaalada Boorama, ayaa sheegay in xalay niskii dambe dabley hubaysan weerartay gurigiisa xilli uu ka maqnaa, taasoo aan wax khasaare ah geysan, balse rasaas ku riday guriga.

Maayir Saleeban Xadi oo maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Boorama, ayaa weerarkaasi ku xidhiidhiyey dad tabasho ka qaba howl-gallada danta guud ee ay wado dawladda hoose ee uu madaxda ka yahay.

“Falkaasi baadhisbuu ku jiraa oo ka hor-dhici maayo, laakiinse waxaan u arkaa mid doqonimo ah”ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo Muuqaal: