Dad u dhintay Caafimaad darro oo ka dhalatay sun ay addeegsadaan Wershadaha Hoodhinta Hargaha Dacarbudhuq iyo Masuulliyiin, Odayaal iyo Dadweynaha Degmada Laasgeel oo qaylo-dhaan ka soo saaray

0

 Hargeysa (Berberanews)- Masuuliyiin ka tirsan dawladda, maamulka iyo dadweynaha degmada Laasgeel ee gobolka Maroodi-jeex, ayaa qaylo-dhaan ka soo saaray khatar caafimaad-darro oo degaankaasi ay ku hayso sun ay laba warshadood oo Dacar-budhuq ku yaalaa u adeegsadaan midginta hargaha xoolaha oo ay dibada u dhoofiyaan.

Laba warshadood oo mid ka mid ah ay leeyihiin ganacsato u dhashay dalka Shiinaha iyo mid uu maalgashaday muwaadin reer Somaliland ah, kuwaas oo ku yaal hareeraha dooxa wayn ee mara magaalada Dahar-budhuq ayaa keenay halis caafimaad oo ka dhalatay sunta ay u adeegsadaan hoodhinta hargaha oo ay ku shubaan goobo aan ka durugsanayn dooxaasi oo ay dadka iyo duunyaduba ka cabaan, taas oo la xaqiijiyey inay u dhinteen ilaa 17 qof qaar kalena la ildaran yihiin oo ay saamaysay noloshooda, kadib markii jidhkooda gashay suntaasi oo urteedu ku faaftay dhul aad u ballaadhan oo degaankaasi ka mid ah.

Haddaba, masuuliyiin ka tirsan dawladda oo booqday Dacar-budhuq iyo weliba maamulka, odayaasha iyo waxgaradka Degmada Laasgeel ayaa si wadajir ah baaq culus ugu diray xukuumadda in ay si degdeg ah wax uga qabato dhibaatada caafimaad-darro iyo degaan ee ka dhalatay suntaasi warshaduhu u adeegsanayaan midginta hargaraha. Iyaga oo odayaasha degaanku sheegay in ay muddo badan codsadeen wax-ka-qabashada arrintan, isla markaana iminka wixii ka dambeeya ay gacmahooda ula tagayaan.

Maxamed Xasan Faarax oo ka mid ah odayaasha degmada Laasgeel, ayaa ka warramay waxyeelada sunta warshadahaasi ku hayso, waxaannu yidhi, “Adduunyada tan oo kale nagumay soo marin, ummad dhan oo dad, xoolo iyo degaan leh oo la dhex dhigo sun dilaa ah.

Xoolaha degmada iyo agagaarkeedu muddo sannad ah may dhalin, neef sannad jiray ma jiro mid ka wayn mooyee, dadkii waxa ku dhacay wax la moodo beer xannuun oo aannu joonis moodaynay,” ayuu yidhi Maxamed.

Oday Maxamed Xasan waxa uu ku hanjabay, “Annaga way naga dhammaatay dacwad iyo dawlad wax u sheeg, iminka waxa uu go’aan naga taagan yahay wixii aannu yeeli lahayn bal illeyn inay wax naga hadhaan ummad dhan oo sumaysan baanu nahaye, sababta oo ah isma lihin cid baa idin soo gurmad doonta cid tallaabo ka qaadayna ma jiraan.”

Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ka mid ah Guddiga Qandaraasyada oo ka mid ahaa masuuliyiinta degaanka booqday, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka caafimaad-darro ee suntani leedahay, waxaannu yidhi, “Saamaynta suntan leedahay weliba maadada karoomka la yidhaah inay wax kasta oo noole ah madhalays ka dhigto dad, xayawaan ama dhir ha noqdee, waxa laga qaadaa kansarka ku dhaca sambabada iyo dhiigga, waxay waxyeelaysaa xubnaha bini’aadamka ee ay ka midka yihiin beerka, kelyaha iyo unugyada dhiigga cas. Warbixin ay diyaarisay hay’adda Qaramada Midoobay ee FOA waxay sheegtay in warshadaha sameeya wax-soo-saarkan loo soo raray waddamada horumarkoodu liito.”

Mr. Cabdillaahi waxa uu ka digay in dadweynuhu sameeyaan gadood ay kaga hortagaan dhibaatada haysata, waxaannu ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto arrintan.

“Annagu waxaannu soo jeedinaynaa in warshadahan ha noqoto ta muwaadinku leeyahay ama ta Shiinuhu leeyahay in labadaba wixii khatar ah ee ay degaanka ku hayaan in si degdeg ah wax looga qabto, sababta oo ah dadku aad bay u kacsan yihiin oo waxay leeyihiin mar haddii dawladdii hore iyo tan hadda joogtaaba aanay waxba ka qabanayn annaga ayaa wax ka qabanayna, markaa inta aanay xaaladdu meel xun istaagin in wax laga qabto ayaanu soo jeedinaynaa,” ayuu yidhi Cabdillaahi Abokor.

Mr. Cabdillaahi waxa uu sheegay ka sakow dhibaatada caafimaad-darro in warshadda Shiinuhu leeyihiin aanay shaqaalaha ka hawlgal siin wax mushahar ah ee gunno yar la siiyo maalinta ay shaqeeyaan oo keliya, isla markaana aanay wax xuquuq ah ku lahayn, iyadoo markii la aasaasayey ay ballanqaadeen in 250 ay shaqaalaysiin doonaan, balse iminka ay ka shaqeeyaan wax aan gaadhayn 10 qof.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo Ilaalinta Degaanka Maxamed Faarax, ayaa sheegay in aanay warshadahani wax ruqsad degaan ah ka haysan Wasaaraddiisa.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Horta warshadahan iyo kuwa kaleba waa inay ruqsad ka haystaan Wasaaradda degaanka meesha la dhigayo, dhulkan waxa bixiyey dawladdii hore laakiin wasaarad ahaan dib baanu u baadhnay inay wax oggolaansho ah ka haystaan meesha ay degan tahay waanu ka waynay wasaaradda, markaa wax oggolaansho ah oo ay meeshan ku degan yihiin degaan ahaan ma jirto.”

Agaasimuhu waxa uu amar ku bixiyey in aan wasakh dambe oo suntaasi ka mid ah dhulka lagu shubi Karin, “Dhibta jirta ee suntani leedahay waa mid la arkayo oo ma qarsoona, dad fara badana saamaynteedu way soo gaadhay. Annagu (wasaaradda Degaanka) muddo ilaa bil iyo badh laga joogo waxaannu u soo qornay warqad aannu leenahay ka joojiya wasakhda sunta halka aad ku shubtaan, laakiin dheg iyo jalaq midna umay dhigin.”

Iminkana waxaannu amar ku bixinaynaa oo aannu Guddoomiyaha degmada iyo ciidanka booliska ku wargelinaynaa in aan wax dambe haba yaraatee dhulka lagu shubi Karin ilaa inta laga wadahadalyo,” ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in dhibaato badani degaanka ka soo foodsaartay labada warshadood ee ay kala leeyihiin Shiinaha iyo ninka muwaadinka ahi oo shaqadooda iyo suntan ay isticmaalaan isku mid tahay, hase ahaatee ay ku kala duwan yihiin u hoggaansanaanta amarrada maamulka, “amarrada maamulka siiyo ee xaquuqda shaqaalaha, ammaankooda iyo qaababka ay u shaqaynayaan way ku kala duwan yihiin labada warshadood oo ta ninka muwaadinka ahi leeyahay wixii dawladda ama maamul-degaan ahaan u soo jeediyaan wuu u dhego-nugul yahay,” ayuu yidhi Mr. Axmed Muuse.

Guddoomiyaha degmadu waxa uu ugu baaqay Madaxtooyada Somaliland, hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda ee ay arrintani khusayso in si degdeg ah looga hawlgallo sidii degaankaasi looga joojin lahaa suntan warshadahaasi isticmaalaan oo dad iyo duunyaba halis ugu jiraan masiibo kaga timaada maado sun ah oo loo adeegsado wax-soo-saarka hargaha ee warshadahaasi soo saaraan.

Ganacsade Aadan Maxamuud Cali, ayaa sheegay in dadka ku nool deeegaanka Dacar-budhuq wehel u yihiin khatarta sunta wershadaha Hoodhinta Harguhu isticmaalaan, isagoo Wasaaradda Caafimaadka ugu baaqay inay ka hawlgasho sidii loo badbaadin lahaa bani aadamka halkan degan, “Marka ugu horeysaba waxa loo baahan yahay in la badbaadiyo dadkan, iminka suntan waxa ay keenaysaa cuduro badan, sida kansarka iyo wixii la mid ah, markaa waxa loo baabahan yahay in ay wasaaradda caafimaadku hawl gasho sidii ay wax badan uga qaban lahayd” sidaa waxa yidhi” Aadan Maxamuud Cali. 

Siciid Yaasiin Daahir oo ka mid ahaa shaqaalaha warshadda Shiinuhu maalgashadeen oo muddadii uu shaqaynayey dhaawacyo soo gaadheen, ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo shaqada ku jira ay alaabi ku soo dhacday oo uu ka jabay lug, isla markaana ay madaxa ka gaadheen dhaawacyo halis geliyey noloshiisa, balse aannu wax xaq ah oo uu isku daweeyo ka helin warshadaasi.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa xarunta caafimaadka Dacar-budhuq Maxamuud Cabdi Jaamac iyo Aadan Maxamuud Cali oo ka mid ah ganacsatada, waxaanay soo jeediyeen baaqyo la mid ah kuwa masuuliyiinta kale soo jeediyeen.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland