Dadweynaha Caasimadda Hargeysa oo si diiran u soo dhaweeyay Nidaamka GISka Dawladda Hoose Hirgelisay

0

Hargeysa:-(Berberanews)-Shacabka Magaalada Hargeysa, ayaa soodhaweeyay nidaamka GIS ka oo lagula socon doonomulkiyadaha dhulka iyo guryaha oo qaab Computerised ah, kana fudud nidaamkii hore loogu shaqayn jiray oo wakhtibadan kaga lumi jiray.

Qaar ka mid ah dadweynaha Caasimada Hargeysa ayaa Ka warbixiyay Faa’idooyinka ay Kala Kulmeen Nidaamkan, Iyagoo Sidoo Kalena Beeniyay warar been abuur ah ooXisbiga Mucaaridka Wadani Ku Sheegay In cid gaar ah Lagunaas nuujinayo. Waxaanay ka mahad sheegteen nidaamkacusub oo ay ku sifeeyeen mid wax ku ool ah.

Hasayeeshee Shacabkani Ayaa Sheegay Adeegani Yahay Mid Ay Ka Mahad Sheeganayaan Kuna Diirsadeen Mudaddi Ay Isticmaalayeen.

“ Waxaan Ka Mid Ahay Mukhalasiinta Ugu Da’da Weyn EeDowlada Hoose Kasoo Shaqaynayay Muddo Ilaa Dhowr Iyo Labaatan Sano Ah,  Muddadaas Aan Mukhalaska Ka Ahaa 6 Maayar Ayaa Isku Bedelay Dowlada Hoose Fayasha MarkaanSoo Baadhno Marba Heer Bay Taagnaayeen Maanta MaalinAy Ka Wacan Yihiin Ma Jirto Xaga Fudaydka, WaxaanaMeesha Ka Baxay Wakhtigii Aanu Faylasha Daydayi Jirnay. Imikana Telefan Ayaa Laygu Soo Sheegaa Markasta Halka UuMarayo File-Kaygu.” Sidaa waxa yidhi Good Xuseen CabdiOo Ka Mida Odayaasha Magaalada Hargeysa Oo DareenkiisaKa Hadlayay.

Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Oday Good Waxa Uu Sheegay In Aanay Jirin Meel Dowlada Hoose Shacabka Kaga QaadoLacag $360 Ah, Hasayeeshee Lacagta Ugu Badan Ee BeerahaLagu Cashuuraa Tahay $260 Oo Kaliya.

 

C/Raxmaan Jaamac Oo Isaguna Ka Mida QurbajoogaSomaliland Oo Xarunta Dowlada Hoose Ee Hargeysa Ka Qaadanayay Warqada Mulkiyada Dhulkiisa Ayaa Sheegay In Nidaamkani La Mid Yahay Kuwa Ka Jira WadamadaCaalamka. Waxaanu Yidhi:
“ Runtii Waxaan La Kulmay Waxaanan Hore U Arag, System Horumarsan Oo Casriya Oo Aanan Ka Filaynin  Inuu Ka Jiro Hargeysa Sababtoo Ah Waxaan Ahay Nin Qurbajoog Ah. Waa System U Dhigma Kuwa Ay Isticmaalaan WadamadaCaalamka Ama Ka Aanu Joogno Ee Ingiriiska, Subax KastaWaan Soo Wici Jiray Howlwadeena Xafiiska DaryeelkaMacaamiisha Ee Dowlada Hoose Si Aan U Ogaado File-Kaygu Halka Uu Marayo Waxaan Sheegi Jiray TixraacaNumberkayga Waana La Ii Sheegi Jiray WaxaananBogaadinayaa Nidaamkan Casriga Ee GIS-Ka “