Berbera News | Daily News Update

Dagaal dhexmaray caare iyo ciidanka qaranka, mudaharaad rabshado wata oo ka socda Ceerigaabo iyo wararkii u danbeeyay

Ceerigaabo (Berberanews) – Wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kooxda Kornayl Caarre uu haatan ka socdo deegaanka Dhoob oo qiyaastii 45km dhinaca bari kaga beegan magaalada Ceerigaabo.

Kooxdan Kornayl Caare ayay wararku sheegayaan inay doonayeen inay galaan Buurta Daalo oo halkaasi ay ka samaystaan saldhigyo iyo dhufayso.

Sidoo kale wararka ka imanaya magaalada Ceerigaabo ayaa sheegaya in rabshado ay ka socdaan gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay wararku sheegayaan in Ciidamada amaanku ay rasaas u adeegsanayaan shacabkaasi si ay u kala eryaan oo xaalada magaaladu ay caadi ugu soo noqoto.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/bj24xChgbbc