DAGAAL-QABOW OO DIB UGA CURTAY DALKA SHIINAHA, IYO SOMALILAND.

0

Qoralkani waxaan doonaya in aan kaga hadlo xidhiidhkaSomaliland iyo Taywan, iyo sida labada dhinacba uga faa’idilahaayeen. Haddaba, inta aanan xidhiidhka Taywan iyoSomaliland ka hadlin, waa in aynu fahano waxa la isku hayo.

Boqortooyadii ugu danbaysay ee Shiinaha (Qing dynasty) waxaala riday sanadkii 1912, dhidibada loo tagay jamuuhriyadaShiinaha (Republic of China), Sun Yat-Sen noqdaymadaxwaynihii ugu horeeyay. Haddaba, Sun Yat-Sen ayaa asaasay xusbiga KUOMINTANG (KMT), eemuda dheer ka talinayay Taywan.

Xisbiga KUOMINTANG wuxuu u kala jabay laba garab. Garabbidix oo casimadiisa ahayd WUHAN (magalada uu Covid-19 ka bilaabmay), oo dagaalo iyo isqab qabsi dhex dooda ah, kuburburay. Iyo garab midig oo madaxwayne u noqday Jan Ka-Sha (Chiang Kai-Shek) oo casimadiisu ahayd NANJING.

Haddaba, sanadkii 1927 ayaa dagaal sokeeya ka bilaabmaydalka Shiinaha. Dagaalkasi oo ka dhexeeyay jabhadii shuucigaahayd ee Ciidanka-Cas (ama Red Army) oo uu hogaaminayayMao Zedong iyo dawladii xisbiga KUOMINTANG ee dalkaasika talinaysay.

Sanadkii 1945, markii dagaalka labaad Jaban lagu jabiyay, ayaawaxaa lagu qasbay inay dhulkay qabsadeen oo dhan celiyan.Haddaba, dhulka ay qabsatay waxaa ka mid ahaa JasiiradaTaywan oo la odhan jiray Formosa, ooy 1895-kii boqortooyadaJaban ka qabsatay Shiinaha.

Mudadii dagaalka labaad socday ayuu hakaday  dagaalkiisokeeyo ee Shiinuhu, lakiin waxuu sifiican u bilaabmaydagaalka labada ka dib. Jabhadii Mao Zedong waxay qabsadeendhulkii ay dawladu ka talinaysay. Taasina waxay keentay in dawladasi Jan Ka-Sha, ay u wareegto jasiirada Taywan. JabhadiiMao Zedong waxay samaysay dawlada ay u bixiyeenJamuhriyada Dadka Shiinaha ama PRC (People’s Republic of China), waxayna ku dhawaaqeen in ay yihiin dawlada sharcigadal-waynaha Shiinaha iyo jasiirada Taywanba.

Haddaba, dalka Maraykanka iyo xulafadiisu waxayictiraafsanaayeen dawlda Taywan. Halka isbaysiga MidawgaSoofiyeetina Ictirafeen dawlada Mao Zedong. Haddaba, taniwaxa ay ahayd bilawgii dagaalkii qobaaba ee la soo afjaraymarkii dawlada midawga Sofiyeet burburtay 1991.

Sanadihii ka horeeyay 1971, dawlada kursiga qaramadamidoobay ku fadhiday waxay ahayd dawlada Taywan ama Jamuuriyada Shiinaha (ROC). Lakiin, sanadkaasi waxii ka danbeeyay dawlada dhul-waynaha Shiinaha ama JamuuhriyadaDadka Shiinaha (PRC) ayaa la wareegtay kursiga.

Haddaba, Maraykanku sanadkii 1979 ayay Ictiraafeen u wareejiyay dawlada Shiinaha (PRC). Isla sanadkaasi, soo saaraysharci bud-dhig u ah xidhiidhka Taywan iyo Maraykanka oo la yidhaa ‘Taiwan Relations Act’, kaasi oo odhanaya: HaddiiShiinuhu isku dayo inuu ju-juub iyo qasab kula midawdojasiirada (Taywan), taasi waxay khatar wayn ku tahaynabadgalyada Maraykanka.  

Mida kale, dawlada Maraykanku waxay hubka ay isku difaacdoka iibisa Taywan, isla markana waxay ciidamada bada dalkaTaywan la samaysa layli ciidan.

Sanadkii 1987 ayaa ugu horaysay markii dawlada Taywan u ogalaatay in dadka dhul-waynaha Shiinuhu ay dalxiis ku imankaraan Taywan, isla markan labada dawladeed ay samaysteenhay’ado ay ku wada xidhiidhan. Halka sanadkii 1992 ay si toosalabada dawladood iskula fadhiisteen, kuna heshiiyan axdiga loo yaqan ‘1992 Censensus’. Kaasi oo odhanaya in labada dhinac ay isla qataan in dalka Shiinuhu yeesho siyaasad kaliya (One China Policy), mustaqbalka ay midooban. Lakiin midkastaba waxaa uuaaminsanaa inuu isagu yahay dawlada sharciga ah.

Mida kale, intii ka horaysay 1990-yadii dawlada Taywan waxayahayd mid xisbi kaliya KUOMINTANG (KMT) ka taliyo. Doorasho madaxtooyadu ugu horaysay ee dalka Taywan ka dhacday waxa la qabtay sanadkii 1996. Waxaana ku guulaystayxisbiga talada hayay ee KUOMINTANG (KMT). Lakiin 2000 ayaa waxaa doorashada ku guulaystay xisbiga dimuqradigahoru-socodka ama DDP (Democratic Progressive Party). Wakhtigana waa xisbiga ugu tageerada badan Taywan, doorashadii 2016 wuxuu si aqlabiyada ugu guulaystaydoorashada. Haddaba, xusbiga DDP ma aaminsana axdiga 1992 ee odhanayay in dalka Shiinuhu siyaasad kaliya yeesho ama ’One China Policy’, mustaqbalkana ay midooban. Xisbiganiwaxuu aamin san yahay in Taywan tahay dal madaxbanaan, islamarkana ayna rabin in ay cidkale xukunto, iyadana la xukumo.

Mida kale, december 1984 Ra’iisal wasaaraha IngiriiskaMargaret Thatcher iyo hogaamiyihii dhul-waynahShiinaha Zhao Ziyang ayaa ku heshiis inuu IgiriiskuHong Kong u celiyo Shiinaha, marka wakhtigaykiraysteen ka dhamaato. Sida daradeed, ayaadawlada Ingiriisku sanadkii 1997 Shiinaha ugu wareejisayHong Kong. Waxay isku af-garteen in Hong-Kong 50 sanno is-maamul hoosad yeelato. Habkooda maamul iyo dhaqaale uu siijiro. Tani oo loogu magac daray ‘Hal dawlada, labamaamul siyaasadeed ama “One Country, Two Systems”.

Dawlada Shiinu waxay ku dadaalaysay in ayna jabinaxdigaasi, lakiin rajadii Hong-Kong waxay soo afjarantay, markii dawlada Beijing u diiday in qaar ka mida musharaxiinta Hong-Kong ka qayb qaatandoorashada 2014. Taasina waxay Hong-Kong ka abuurtay mudaharaado laga soo horjeedomaamulka Beijing, oo maaliba maalinta ka siidanbaysa sii xoogaysanay.

Dhacdadani waxay soo af-jartay rajadii midawgaTaywan iyo dal-waynaha Shiinaha. Teeda kale, Xusbiga DDP waxay markasta ku doodayeen in aandawlada Beijing la aamini karin. Dadka Taywanawaxay yaqiinsadeen in ay ku saxsan. Xusbigunataagero badan ayuu sidaa ku kasbadeen.

Haddaba, mar labaad ayaa dagaanka Shiinaha ka curtay dagaal-qabaw. Somaliland labada dhinac ee is-haya, dhinac ayay la safteen.

Haddaba, su’aashu waxay tahay. Maxay dawladaBeijing uga cabsi qabtaa madaxbanaan Taywan?

Dalka Taywan waa dal dimuqradiya oo dadkiisuJayniis yihiin, ra’yigoogana si xora u cabiri karaan, sixorana u-dooran kara dadka hogaaminaya. Isla markana, waa dal dhaqaalihiisu si xawliya u socdo.

Halka dalka Shiinaha oo dadkiisu Jayniis yihiin, uuhogaamiyo kaligii taliye, isku cumaamadaymadaxwayne inta uu nool yahay. Marka, dawladaBeijing waxay ka cabsi qabtaa in dadkooducodsadaan dimuqradiyada, iyo xoriyada ay haystandadka Taywan oo kale. Taasi ayay dawlada Beijing uga soo horjeedaa madax banana Taywan iyowaliba is maamulka Hong-Kong.

Dagaalka waxaa isku haya laba dhinac oo kala ah; Dhinac dalalkooda ka jiro xoriyatul qawl iyodimuqradiyada oo uu hormood u yahay dalkaMarykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka. Iyo dhinaca kale, oo ka soo horjeeda xoriyatul qawlkaiyo dimuqradiyada oo uu hormood u yahay dalkaShiinaha, iyo Ruushku.

Haddaba, Somaliland waxay la safatay dhinacadalalka dimuqradiyada, xagay Somalia la safataydhinaca dawladaha kaligii taliska ah, sida Shiinaha.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taywan wuxuu guulaysankaraa oo kaliya marka labada dhinacba ay guulaystan ama xaaladu tahay Win-Win. Hadddaba, faa’iida waxaa loo kala qaadi karaa laba. Midsiyaasada, iyo mid dhaqaale.

Mida siyaasada, Taywan iyo Somaliland waa labadal oo Ictiraaf Calamiya radinaya. Taywan inayIctiraaf hesho way adag tahay, oo waxaa hortagandawlada Shiinaha. Lakiin Somaliland waa dal Ictiraafhore u haystay oo midnimo aan sharci ku dhisnayngalay. Dadkiisu go’aansadeen in ayna la midoobinSomalia.

Mida kale, Ictiraaf Somaliland heshaa Somaliland ookaliya faa’iido uma aha. Lakiin waxay kale oo faa’idou tahay Taywan. Waayo Taywan waxaay doonaysaain ay hesho dalal la Ictiraafsan yahay oo ku soo biiradalalka iyada tageersan, khasatan dalal qaradaAfrika.

Dawlada Shiinuhu wuxuu awood dhaqaale galiyaysiddii dalalka Afriki ayna Taywan ula macaamililahayn, una Ictiraafi lahayn. Teeda kale, Somaliland waxay ku talaa Geeska Afrika iyo marin biyood badacas/cad oo aad ugu mihiima dalalka dhaqaalahooduku xidhan yahay wax soo saarka, sida Taywan ookale.  Isla markana, waa gobalka uu ku yaalosaldhiga kaliya ciidanka Shiinuhu leeyahay eedalkiisa ka baxasan.

Xaga dhaqaalaha, Taywan waxay Somaliland ka cawinaysa kabayaasha dhaqaalaha. Haddaba, waxamihiima in ay Somaliland ayna baryo ula tagin eeqorshe ula tagto.

Gaba gabadii, xidhiidka aynu Taywan la samaynayfaa’iido badan ayuu inoo yeelan doona, waayomarnaba dalka Shiinaha inama tageerayo. Mana horistaagi karo dalalka garabkiisa ahayn inaySomaliland Ictiraafan. Teeda kale, Ictiraaf radintamudo 30 sano ayaynu ku kaliyaysanay, lakiin iminkaxulafo calamka saamayn wayn ku leh ayaa inalaraadinaysa. Taasina waxaa tusaale u ah markiibadawlada Maraykanka way soo dhaweeyayxidhiidhka Somaliland iyo Taywan.

Teeda kale, Farmaje in badan ayuu doonaya in albaabada inaga soo xidhan. Lakiin manta isagaayaa badwayn dabaalanaya. Dalka Shiinaha wuxuusiiyay bada Somalia, iminkana si indho la’aana ayuuula saftay. Dalka Maraykanu waa dalka cawimadaugu badan siiya dawladiis. Tani waxay markhati u tahay in siyaasadiisa arimaha dibada ee Farmaje iyodawladiisu inay tahay maxaad aniga I dhiibaysaa.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!

OMAR A. YOUSUF

Omaryousuf455@gmail.com

WWW.DANQARAN.COM