Dagaalyahanadii ka tirsanaa Daacish ee qabsaday Qandala oo iskood uga baxay

0

Garoowe-(Berberanews)-Dagaalyahanadii ka tirsanaa Daacish ee shalay qabsaday degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa xalay isaga baxay magaaladaasi, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa maamul Goboleedka  Puntland ay ku wajahan yihiin degmadaas.

Dagaalyahanadan ayaa intii ay ku sugnaayeen Qandala wax dhibaato ah aan u  geysan dadka yar   ee ku hadhay deegaanka.

Wararka qaar  ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay galeen dhanka buuraha, oo markii hore ay ka yimaadeen.

Xaalada deegaanka Qandala ayaa maanta laga soo sheegayaa inay tahay   mid degan, waxaana shalay illaa xalay dul heehaabayay diyaarado aan la ogeyn halka laga leeyahay, hase ahaatee dhinaca badda ka yimid.

Qandala ayaa qiyaastii 77km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee maamulka Puntland , waa deegaan istiraatiiji ah oo caan ku ah jilaabashada kalluunka.

Waa markii u horeysay oo dagaalyahano ka tirsan Daacish ay la wareegaan deegaan ka tirsan Soomaaliya, tan iyo markii kooxdan shaacisay inay saldhig ku leedahay gudaha dalka  Soomaaliya.