Dallada Xuquuuqal-insaanka Somaliland Oo Warbixin Ay Ka Soo Saareen Tacadiyada Dawladdu Ku Hayso Warbaahinta Ku u Soo Dartay Shebekadda Berberanews

0

Hargeysa, -(Berberanews)- Warbixin” Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee ku bahoobay Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo magaceeda loo soo gaabiyo SOHIRA-Net, oo si taxadar leh oo feejigan u kormeera xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee ka dhacaya gudaha dalka Somaliland isla markaasina diiwaangaliya falalka maamul xumo, musuqmaasuq iyo caqabadaha ka hor yimaada maamul wanaaga hay’adaha xukuumada Madaxwayne Siilaanyo.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay maanta bayaankan beesha caalamka iyo guud ahaan shacabiga Somaliland ugu sheegayaan dhiilada soo foodsaartay geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland taasi oo ka dhalatay ku xadgudubka isa soo taraya ee xuquuqda iyo xoriyadaha dastuuriga ah ee ay wado xukuumada Somaliland oo marka lagu daro falal noogu muuqda aargoosi siyaasi ah oo masuuliyiinta sarsare ee xukuumada Madaxwayne Siilaanyo si joogto ah ula bartilmaameedsadaan dadkii caqliga u saaxiibka ahaa ee ka mid ahaa bulshada rayidka ah kuwaasi oo hawlo dhaxalgal ah u soo qabtay dalka iyo dadka.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ugu horayn waxay si culus u cambaaraynayaan xukunka xaqdarada ah ee Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa uu 30 April 2011 ku riday wargeyska madaxabanaan ee SAXAFI oo ka soo baxa caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Gabi ahaanba xeerarka garsooruhu u adeegsaday maxkamadaynta Tafatiraha Sare ee Wargeyska Saxafi ayaa gabi ahaanba ka soo horjeeda xeerka saxaafada Somaliland oo dhaqan gal ah, sidoo kale waxa uu xukunka garsooruhu lid ku yahay aaladaha caalamiga ee ay ku shaqayso saxaafada xorta ahi iyo bayaanada iyo axdiyada caalamiga ah ee xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee aadamaha oo uu dastuurka Somaliland damaanoqaaday.

Dhinaca kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin hay’adaha garsoorka Somaliland in aanu ka soo bixi Karin xukun iyo garqaad dhex ah oo cadaalada iyo qaanuunada dalka waafaqsan, waliba marka dacwadu tahay mid u dhaxaysa Wasiir iyo hay’ad saxaafadeed ama wargeys dabcan muwaadin kasta oo ku nool ama xogogaal u ah Somaliland wuxuu garan karaa in cadaalada Somaliland ay si buuxda gacanta ugu jirto xukuumada taasi oo sida haatanba dhacday gorsoorku ku khasban yahay in uu xukunkiisa ku saleeyo sida uu wasiirku rabo.

Garsoorka Somaliland oo uu naafeeyay musuqmaasuq, maamul xumo iyo isagoo aan ka madaxbanaanayn Xukuumada ayaa waxa uu ka mid yahay caqabadaha hortaagan horumar dhaqan dhaqaale iyo macaamil uu dalku la yeesho wadamada dunida sidoo kale waxa uu sababaa in maalgaliyayaasha caalamiga ahi aanay aaminin in ay dalka hanta iska galiyaan sababtoo ah meel garsoorkeedu sidan Somaliland oo kale yahay muwaadin adiguba hantidaada maad ku aaminteen.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad ee xubno ka mid ah masuuliyiinta uu madaxwayne Siilaanyo u magacaabay xilalka qaranka kuwooda ugu sareeyaa ay ku soo ogaan hay’adaha warbaahineed ee madaxabanaan ee dalka gaar ahaan labada wargeys ee Waaheen iyo Saxafi.

Xadugudbyada lidka ku ah saxaafada madaxabanaan ee xukuumada madaxwayne Siilaanyo ay gaystay intan kuma kooban 2 wariye oo sifo sharci daro ah mudo afar maalmood ah ku xidhnaa Boorama, tafatiraha mareegta berberanews.com Mr. Maxamed Siciid Cabdilaahi ayuu Taliyaha Laanta Baadhista Dambiada ee CID ee gobolka Saaxil gacanta ula tagay iyadoo uu si xun oo aadaminimada ka baxsan u garaacay dhaawacyo kala duwan iyo dhibaato xaga nafsadahba u gaystay wariyahan kadibna xabsiga Berbera ayuu ku xidhay waa nasiib daro mee sharcigii dalku Taliyaha cadaalada lama soo hor joojin si loo waydiiyo dunuubta uu ka galay wariyaha sababtoo ah shaadhka dawlada ayaa u ah balaayo xijaab. Bahdilaad, kala takoor iyo garaacis ayay wariyayaasha ka hawlgala saxaafada xorta ahi si joogta ah ugala kulmaan xarunta madaxtooyada Somaliland.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa ay heleen xaqiiqo ka markhaati kacaysa ficilada yaxyaxa leh ee madaxda sare ee Xukuumada Siilaanyo kula kacday Saxaafada xorta ah ee Somaliland mudaa sanadka ka yar ee ay talada dalka haystay, waxana ka mid ah amar Badhasabka Gobolka Saaxil ku soo rogay suxufiyiinta ka hawlgala gobolka isagoo ku amray in aanay diri karin war aan isaga la soo marin.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland cambaarayn tan ugu saraysa ayay dusha uga tuurayaan xukunka garsooraha maxkamada gobolka Hargeysa ku riday 30/4/11, waxa kale oo aanu ugu baaqaynaa axsaabta mucaaridka ah ururada bulshada rayidka ahi in ay iyaguna cambaareeyaan. Sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa in xayiraada uu ka qaado badhasaabka Saaxil saxaafada gobolkaasi. Sidoo kale waxanu ugu baaqaynaa xukuumada Madaxwayne Siilaanyo in uu joojiyo gabi ahaanba tacadiyada uu ku hayo saxaafada xorta ah oo qarankan jiritaankiisa halbowle u ah.

AARGOOSIGA SIYAASADEED EE AY WADO XUKUUMADA MADAXWAYNE SIILAANYO

“Maamul xumada iyo ficilo u muuqda aargoosi siyaasi ah ayaa haatana maraya halkii ugu xumayd dalka Somaliland , waxa ka mid ah nidaamkii dawliga ahaa ayaad moodaa xisbiga KULMIYE iyo xukuumada uu dhisay Madaxweyne Siilaanyo in ay duminayaan, heerka maanta dalku marayo xag dhaqaale, waxbarasho, ganacsi iyo horumar dhinaca maamulka waxa gaadhsiiyay shacbiga iyagaa hindisay oo jaamacado deegaanadoodii ka sameeyay, warshado shaqooyin abuuray iyo ganacsi kobcaya, hotelo caalami ah ka hirgaliyay dalka, shacbigu waxa uu qabsaday way badan yihiin qaarbaa mashaariic khayri ah sameeyay, kuwaas oo uu ka mid ahaa mashruucii hoyga loogaga dhisay xaafada Maxamed Mooge caruurta darbi-jiifka ah ee rag iyo dumarba leh ee xabagta wada dhuuqa ee iyagoo da’dii guurka gaadhin caruuraha ku yeeshay gidaarada, hawshaasi waxa hindistay oo ku dhiiratay isla markaasina xaqiijisay wakhtigeediina u hurtay marwo Faadumo Siciid xukuumad waxba kumay biirin hadii laga tagi waayo D/hoose ee Hargeysa ayaa dhulka xarunta darbijiifka laga dhisayay bixisay, balse waxa Faadumo ula tagtay taageerona waydiisatay labada shirkadood ee Dahabshiil iyo Telesom EEBE haka abaal mariyee oo 2 hool oo waawayn iyo dayr ku wareegsan dhisay, haatan waxay Faadumo ku mashquulsanayd ururinta Furaashyadii, wiciyadii iyo agabkii kale ee aasaasiga ahaa si markaa loogu xareeyo ubadka darbijiifka ah ee qarqiyay caasimada, Nasiibdaro maxaa ku dhacay Faadumo Siciid, Wasiirka Was. Horumarinta iyo Shaqada Marwo Ilhaan ayaa ku amartay in ay faraha ka qaado dhismahaasi Marwo Faadumo Siciid, sababta maxaa yeelay waxa ku qaba nin wasiir u ahaa xukuumadii xisbiga UDUB, faadumo waxay kali ka codsatay in ay si official ah ay ugu wareejiso oo munaasibad saxaafadu ka soo qayb gasho ugu tiriso balse taasi gaashaanka ayay ku dhufatay Wasiirada Marwo Ilhaan, maalintii ayaana ugu dambaysay cid albaabadii xarunta darbijiifka dib u furta.

Aayad qur’aanka kariimka ah ku jirtra ayaa macnaheedu yahay ‘Hadii boqoradu soo galaan magaalo ama beled, waxay ka yeelaan dadkii beledkaasi ee ehulu sharafka ahaa ee karaaamada lahaa kuwa ugu dulaysan” taasi ayaa maanta waxa jilaya xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. Sidaasi darteed, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay si xoogan u cambaaraynayaan falka nidaamka duwaliga ah ee caalamka dibada ka ah ee Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan sida jujuubka ah ugula wareegtay xaruntii loo dhisayay caruurta darbi-jiifka ah ee Hargeysa.

Marwada wasiirka ah oo ka hadlaysa caruur darbi-jiif ah waligeen maynu maqal, xaruntaasi waxay ka timid oo hindisay xubno bulshada ka mid ah oo caqli u saaxiib ah kana damqaday duruufta argagaxa leh ee qaybo caruurteena ka mid ahi ku nooshahay. Hadaba waa naga su’aale xukuumada Siilaanyo maxay umada u soo kordhisay mise wixii ay yabyabayeen ayay kala daadinaysaa?

“Tusaalahan kale u fiirso bil gudaheed Aargoosigii siyaasadeed falkii 2aad ayaa noqday Jaamacada Berbera, oo qallin iyo miis ay dawladdu ku darsatay aanay jirin oo lagu hirgeliyey taakulo dadka laga soo ururiyey, guddiga jaamacadda maamulayey waxa magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore, laakiin iminka waxa xilkii ka qaaday Badhasaabka Gobolka Saaxil oo sidaasi in uu falo looga gacan haadiyay Madaxtooyada Somaliland. Dastuurka Somaliland qodobkiisa 23-aad waxa uu qeexayaa masuuliyadda badhasaabada, dalka meelna kagama jirto in xil madaxweyne magacaabay uu badhasaab farogaliyo , ama kala diro. Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay aad ula yaabeen amarka ka soo baxay Badhasaabka Saaxil oo uu ku sheegay in uu kala diray Gudidii Jaamacada Ciidamo hubaysana ku wareejiyay dhismihii Jaamacada oo waxbarashadii ka socoto, waxa iswaydiin leh tolow gudida jaamadaca uu ka bedelayaa ma qori caaradii ayay ku haysteen. Badhasaabka Ramaax oo ka mid ah xubnaha aan lahayn khibrad maamul oo uu madaxwayne Siilaanyo xilalka ka culus u xambaariyay ayaa isagoo fulinaya Siyaasada Aargoosiga ku salaysan ee ah ta ka qaybgalkii siyaasada iyo talada dalka ka maanacday bulshada ku nool deegaano badan oo dalka ah sida Gobolada Saaxil, Awdal iyo Sool waxa aanu u aragnaa nidaam saamayn xun ku leh is aaminkii umadda reer Somaliland ee uu la wareegay talada Xisbiga Kulmiye iyadoo isasoo dugsanaysa oo isku soo durkaysa.

Sida ay ka marakacayaan umada reer Somaliland iyo beesha caalamkuba hay’adaha xukuumada Somaliland horaysiyo dambayso waxa ragaadiyay musuqmaasuq dabcan mashaariicda khayriga ah ee bulshadu qabsatay markay xukuumadu awood kula wareegto iyadoo ka urinaysa wax aan la garanayn una kala abtirinaysa umaddii ay xukuumada u ahayd waa nasiibdaro la soo daristay shacbiga Somaliland.

Ugu dambayn

“Xad-gudubyada Somaliland ka jira waxa ka mid ah qafaalashada dadka ee xoogga loo isticmaalo ee dalka Itoobiya loo dhiibo, waxa u dambaysay Drs. Fahma Cabdi Sheekh Aadan oo maanta ku xidhan xabsi ku yaal magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, sidaasi oo uu shalay BBCda u sheegay agaasimaha guud ee wasaarada daakhiligu. Drs. Fahmo 17-kii bishan ayaa laga qafaashay magaalada Gabiley iyadoo hawsha ay fuliyeen ciidammo dhar cad ah oo isugu jira Somaliland iyo Itoobiya, sida uu BBCda u sheegay Agaasimaha Guud ee Arimaha Guduhu xaqiiqada ayay ka fogtahay falkaasina ha ogaadaan cidkasta oo ka qaybqaadatay in uu yahay dhagar bini’aadanimada laga galay, dadkii fuliyayna waa in ay ogaadaan in ay galeen dambiyada aadaminimada dhanka ka ah oo la mid ah kuwa General Maxamed Cali Samatar kaga socda dalka Maraykanka oo kale.

Ururrada xuquuqal-insaanka Somaliland iyagoo ixtiraam farobadan u haya Madaxweynaha ismaamulka Dawlad Soomaalida Itoobiya oo ah wiil u dhashay guud ahaan mandaqada Geeska Afrika waayo waa nin geyi colaad ah u beddelay nabad horumar umado walaalo ah ah oo nabadeeye ah bal u fiirso arday reer Somaliland ah ayaa uu suurto galiyay Eebe haka abaal mariyee in ay wax ku soo bartaan Jaamacadaha Goday ku yaal waa mucjiso, waxaanu si aadaminimo ku dheehan tahay kaaga codsanaynaa gabadhaasi hooyada ah ee dhakhtarada ah aad hoos u eegto dambiga ay ku xidhan tahay maaha mid ay iyadu gashay balse waxanu ogaanay in uu yahay dhagar ay u maleegeen dad qaarkood jigjiga ku nool yihiin.

Drs. Fahmo dadka ay dawayn jirtay waxay ka iman jireen ilaa Jigjiga iyo Kililka, gobolada Somaliland oo dhan oo ay qaarkood lacag la’aan ku eegi jirtay, qaar ka mid ah kuwii hore u dhacay ayaa shirqoolay oo jigjiga degan oo shacab, waxanu kaa codsanaynaa in aad arinteeda hoos u eegto dambiga qaranka Itoobiya ay ka gashaa waa dambi Somaliland ka gashay ugama garaabayno haddii uu jiro balse waxanu aaminsanahay in ay dulmi ku xidhan tahay ee xoriyadeeda u soo celi si ay carruurteedi yaryarad mar uun u arkaan hooyadood”

Suleiman Ismail Bolaleh

Afhayeenka

Isbahaysiga Dhexdhexaadka ah ee Ururada Xuquuqda Aadamaha Somaliland


Suleiman Ismail Bolaleh
Chairman
Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)
Cell No. 00252 2 4429552
office Email: hornwatch@yahoo.com
Personal Emails: sbolaleh@yahoo.com, xuquuq@gmail.com
Hargeisa, Somaliland