Danaha Shacbiga ayaan ka Door-biday

0

W/Q: Suxufi Xuseen Cali Nuur

 Qarni kastaa wuxuu leeyahay qaab dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed oo ka duwan  qaababkii ka horeeyey. Qarnigii 19-aad iyo kuwii ka horeeyey waxa dunida ka jiray guumaysi iyo addoonsi midabyo kala duwan leh, dhaqankaasina qarnigan aan ku jirno ee 21-aad  wali raadkiisii wuu jiraa, inkastoo qaabab kala duwan lagu dhaqmo – oo qaar ka mid ahi ay ka cawaaqib xun yihiin qaababkii soo jireenka ahaa.

Qarnigii 20-aad kuwii ka horeeyey wuxuu kaga duwanaa iyagoo dalalkii shisheeyuhu guumaysan jiray heeryadii iska rogeen oo xornimadoodii soo ceshadeen; inkasta oo guumaysi cusubina kii hore uu beddelay, saansaantii uu lahaana ay weli sii muuqato.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ka mid ah dalalkii guumaysiga reer Yurub u talin jiray, sida dalalka Djibouti, Afrika badankeeda iyo qaaradaha kala duwanba ay iska xoreeyeen.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid ahayd dalalka faro-ku-tiriska ah ee markii ay xornimada qaateen is-raaca iyo midnimada dalalka ay dariska la yihiin ka door biday gooni-isku-taaga. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay xilligaa la jaanqaadaysay hawadii midnimo- doonka Afrika, iyadoo ku hamiyeysay midnimada Soomaliwayn ee ay Soomaaliya saqiir ka dhigtay.

Jamhuuriyadda Somaliland, waxay maanta xasuusinaysaa Soomaaliya, saaxiibadeeda iyo dalalka aan ogayn amaba ka hela ku raaxaysiga xogaha beenta ah:-

  • Inay tahay Jamhuuriyad ka xorowday guumaysigii Ingiriiska 1960-kii, ayna ahayd dal Soomaaliyeed oo xorooba tii ugu horeysay.

  • Inay Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal ka go’ay Soomaaliya, sida ay dawladda Soomaaliya ku riyoonayso; balse ay tahay dal ka baxay is-raacii dalkaa Talyaanigu u talin jiray.

  • Inay Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn dal la mid ah NFD (Soomaalida Kenya) iyo DDSI (Degaanka Soomaalida Itoobiya), balse la mid tahay dalka Jabuuti, Kenya, Sudan ama inta kale ee guumaysigii Yurub ka xoroobay.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland tan iyo 1991-kii isagoo ka baxday is-raacii ahna dal xor ah  waxa uu xeerinayey walaltinimada diineed, dhaqan iyo luqaddeed ee ay Somaliland la leedahay  shacbiga Soomaaliya.

Waxa se ayaan-darro ah in dhaqanka caalamiga ah ee u dhexeeya laba dal oo is-raacay markay kala baxan inay Soomaaliya xeerkani ay jabisay. Xukuumadihii Muqdisho waxay weli u haystaan oo aanay tixgalinayn in wadahadalka lala lahaa  ay u qaateen in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay gobol ka mid ah  gobollada ay u taliso.

Waxaannu leenahay tan iyo xilligii dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti ka dhexeeyey uu dhammaaday, in ahmiyaddii istaraatajiyadeed ee Somaliland iyo marin-badeedkeeda caalamiga ah ee hoos u dhacay inuu maanta mar labaad ahmiyaddiisu soo noqotay.

Inkasta oo walaaltinimadii shacbiga Soomaaliya aan la leenahay tahay mid waaraysa, waxay ila tahay in aan la isku mashquulin, wakhtigana la iskaga lumin wadahadal aan midho-dhal ahayn.

Maanta  Jamhuuriyadda Somaliland waxay dunida ku leedahay saaxiibo iyo taageerayaal badan oo dano badani ka dhexeeyaan, waxaanay sugayeen wada hadallada labda dal ka dhexeeyey oo ay maanta u arkaan in Soomaliya oo ah dal burburay meel loogu soo hagaago aanu lahayn.

Waxay ila tahay aqoonsigii Somaliland ee la iska indho tirayey- in kasta oo dad badani u haystaan inuu muddo dheer qaadan doono – waxaan filayaa inuu kaabiga u saaran yahay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa had iyo jeer loo baahan yahay in haabka lagu hayo in ubaxa udgoon ee labada midab casaanka iyo caddaanka leh ee urta wanaagsani uu leeyahay qodxo u baahan in la iska ilaaliyo.

By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.