Darawalka Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Baastoolad ku Qabtay mid ka Mida Shaqaalaha Dekeda Iyo Xadhigii Darawalka Maareeyahayah

0

Berbera_(berberanews)Darawalkii Waa Ladamiintay Waxaana Lasii Daayay Waxaanu Joogaa Guriga Maareeyaha, Hadii Sharciga Lamairain Waayana , Maxxamed Jaamac Nuur Basbaaso

 

Darwaalka Baabuurka Uwada Maareyaha Dekeda   Berbera oo   lagu Magacaabo Maxamed Maxamud Cabdi(Juuq Dhegayste )ayaa galabta goob fagaare ah oo kutaala magalada Berbera baastoolad Si badheedh ah ugu qabtay Maxamed Jaamac Nuur(Besbaaso)oo kamida shaqaalaha dekeda berbera gaar ahaan waaxda Farsamada iyo gaadiidka. waxaana islamarkiiba Saldhiga dhexe ee Berbera loo taxaabay Darawalkii Gaadhiga Maareyaha waday isaga oo waliba wata baabuurkii gaarka ahaa ee Maareyaha oo uu ku dhex sitay hub sharcidaro ah islamarkaana inta uu cabaystay uu ku qabtay mid kamida shaqaalaha Dekeda Berbera.

 

Dhacdadan Ayaa Ka Dhacday Maqaaxiyaha Lagu Shaaheeyo galabtii Ee Berbera, Ninkan Shaqaalaha Ka Ah Dekada Berbera Oo Lagu Naanayso BASBAASO Ayaa warbaahinta U Sheegay in Ninkii

 

 

 

 

 

Falka gaystay Markiiba Lasii Daayay oo Ladamiintay, Waxaanu Sheegay In  uu   Isagu Sharciga U Marayo Dacwadiisa , Hadii Deg Deg Waxlooga Qaban Waayo oo Dib Loogusoo Celin Waayo Saldhiga  Dee Waxay Noqonaysaa Sharci Majiro Ee Wax Iska Celii, Waa Sida Uu hadalka U Dheigee,

 

 

Wixii Kasoo Kordha  Wanu Idiinsoo Gudbin Doonaa.

 

berberanews.com