Dawladaay is dhagayso:-

0

Hadaanu nahay qaar ka mid ah dhalin yarada gobolka tog dheer kuwaas oo maamulka gobolka togdheer gaar ahaan badhasaabku ku xad gudbay dhul ay eheliyadoodu lahayeen dhulkaaso ahaa suuqa <daahirow isdhegayso>


Badhasaabka gobolku wuxuu ku kacay foldan biyeed af iyo gacan ba ah waxaa uu is sharci daro ah u xidh xidhay odayaashi dhulkaa lahaa dhulkaa waxaa mulkiyadiisa la bixiyay 18/ 02/ 2002 . waxaa markaa xilka hayay < badhasaabkii hore ee Maxamed aadan dheri>:



waxaa ku xigeen ahaa < Badhasaabka maanta Yaasiin maxamed cabdi > dhulkaas ilaa maalintii mulkiyadeeda la bixiyay iyo ilaa maanta wax cashuur ah laguma laha bil walba way bixin jireen intaa ka dib dawladiiba is bedeshay waxaa la doortay dawladii cusubayd kacaankii dawladii cusbayd waxaa ka mid ahaa in sarfayn la mariyay dhulkii anana waan ku taageersanayn wanan fur furnay si xasi looniya mulkileyaashii dhulka waxaa la balamay dawlada oo u balan qaaday wakhtigaas oo ay sugayan dhul bedel, lacag celin, iyo dhulkii oo ay fasaxaan odayaashi mulkilayaasha ahaa waxay u tageen maamulka gobolka togdher ka dib wuxuu amray in meeshi la calaamadiyo si loo ogaado ninba inta uu leeyahay loona kaabadeeyo maalintaas waxaa soo beegnaa gudoomiyaha xisbiga talada haya ee mujaahid MUUSE BIIXI CABDI odaysshi maalin labadii ayaa lagu so daray ciidan wadad xidha marka la calaamadinayo iyada oo lagu guda jiro hawshi calaamadinta meesha ayuu bashasaabku ciidan dusha kaga keenay ciidan iskugu jira cafcaf iyo askar hubaysan oo meeashi rabshad galiyay iyo qalaan qal iyadoo lagu eedeeyay badhasaabka in la bedelay go,aankiisii
<IN AAD SAAMO JIIDO IYO SANQADH TIRASHO KALADAA>>
Hadaanu nahay da yarta ama dhalinyarada gobolka togdher kuwaas oo ahaa kuwii gogol xaadhka u ahaa isbedelka dawlada somaliland gaar ahaan gobolka togdheer waxaanu filaynaya isbedel tayo leh ee dawlada cusub laakin ma hayno wax is bedel ah
<KA DAR OO DIBI DHAL>
Markaas hadaanu nahay dhalinyarada gobolka togdheer waxaanu aad uga xunahay masiibada ku habsatay gobolka togdheer si kastaba ahaate waxaanu baaq deg deg ah u diraynaa dawlada sare iyo wixii danaynaya gobolka togdher waxaanu si wadada jir ah u leenahay ha laga soo gaadho gobolka dhibaatooyinka iska daba iminaya waxaanu si wada jir ah u leenahay odayasha xidh xidhan amar la,aan ha la soo daayo kadib dhulka go,aan deg deg ah ha laga gaadho.
> Bal ama ha la bedelo?
> Bal ama lacagtii ha naloo celiyo ?
>Bal ama dhulkii ha la fasaxo ?
Dad badan ayay arintaasi kicisay laakin waa la dejiyay oo waa lala hadlay si aanay nabad galyadu khal khal u galin oo faraha uga bixin sidaa awgeed waa in si deg deg ah wax looga qabto hadii kale nabad galyda halisa
Waxaanu bahda saxaafada u sheegaynaa gaar ahaan tvga qaranka <sl.n .tv> ee gobolka togdheer in aanu dib ugu noqon wararkii been abuurka ahaa ee aan sal iyo raadka toona lahayn ee 5 habeen ka hor laga sii daayay tvga qaranka ee gobolka togdheer ee ahaa in khasaarihii ka dhacay goobtaa daahirow is dhegayso ay dawladu bixisay waana been ee waxaa bixiyay dadkii geestay dhibtaas.
waxaa kale oo tvga qaranku sheegay oo been abuur ahaa in koox dab lay ahi gashay goobtaas waana been iyo war aan jirin ee markii sarfaygu maray shacabkii baa fur furay si wada jir ah :-

Email: deeq_012@hotmail.com
tell :9310075