Dawladda Hoose ee Berbera oo dhagaxdhigtay laamiyo cusub

0

Berbera (Berberanews):- Mas’uuliyiinta Gobolka iyo degmada Berbera ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay waddo laga hirgalin doono Xaafadda Moosko oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Berbera.

Wadadan oo dhex marta xaafadaha Qadiimka ah ee magaalada Berbera ayaa dib u hayn lagu samaynayaa sida ay sheegeen Maamulka degmadu.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha dawladda Hoose ee magaalada Berbera isagoo ka waramay wadadan iyo ahmiyada ay u leedahay bulshada xaafadda iyo guud ahaan bilicda magaalada Berbera.

Guddoomiyaha golaha deegaanka Magaalada Berber Cabdishakuur Ciddin ayaa sheegay in qorshaha magaaladu qoran yahay,waxaanu sheegay inay hirgalinayaan wadadan iyagoo kor u qaadaya bilicda magaalada Berbera.

Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan ayaa dawlada hoose ku bogaadiyey waddooyinka ay wadaan iyo bilicda magaalada sida ay uga shaqaynayaan.