Dawladda Ingiriiska oo Caddaysay in Dumuqraadiyadda Somaliland Tahay Iftiin ka Jira Gobolka Geeska Afrika

0

“Waxa aynu wada ognahay in aan weli Somaliland loo aqoonsan sida qaran madaxbannaan oo kale, annaguna sidoo kale maannu aqoonsan, laakiin waxa aannu muddo dheer…” Ambassador Andrew Allen

Hargeysa (Berberanews)- Dawladda Ingiriiska, ayaa caddaysay in hannaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay dalka Somaliland uu yahay iftiin ka dhex jira mandaqada wadammada Geeska Afrika, balse waxa ay ka digeen in dib-u-dhac ku yimaad doorashada Madaxtooyada uu keeni karo calaamad-su’aal fuusha sumcadda Somaliland ku leedahay caalamka.

Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Andrew Allen oo saxaafadda kula hadlay hudheelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu tilmaamay inay dhegaysteen, isla markaana fahmeen sababaha keenay dib-u-dhaca ku yimmi doorashada Golaha Wakiillada, balse waxa uu ka digay in doorashada Madaxtooyada la dhaafiyo waqtiga ay u muddaysan tahay oo ah 28 March 2017.ambassador-andrew-allen

“Waxa jira rajooyinka aannu ka qabno doorashooyinka Somaliland, waxaanan ku celinayaa in aannu ka niyad-jabnay dib-u-dhaca ku yimmi doorashada Golaha Wakiillada, waxaanna hadda laga joogaa ilaa 12 sanno markii la qabtay doorashadii mudanayaasha wakiillada (sannadkii 2005), waxaanna la gaadhay xilligii la dooran lahaa mudanayaal cusub oo Golaha Wakiillada, taasna waxa aan qabaa in dadka reer Somaliland ay sidoo kale doonayaan, waxaanan rajaynaynaa in si degdeg ah loo arko jadwal cayiman iyo qorshe lagu soo dooran karo Golaha Wakiillada,” ayuu yidhi safiir-ku-xigeenka Ingiriisku.

Waxaannu intaas ku daray; “Laakiin waxa aannu dhegaysanay oo aannu fahanay sababaha keenay dib-u-dhaca ku yimmi doorashada Golaha Wakiillada, balse, waxa hadda loo baahan yahay in la helo jadwal la isla ogolyahay oo lagu soo dooran karo mudanayaasha wakiillada.”

“Marka laga hadlayo doorashada Madaxtooyada, waxa aannu gelinay taageero xoogan sidii loo maamuli lahaa diwaangelinta codbixiyeyaasha, loona qaban lahaa doorashada madaxtooyada waqtigeeda oo ah bisha March 2017, waxaanan aad u rajaynaynaa in doorashadu ku qabsoomi doonto xilligeeda loo cayimay, taasina waxay aad muhiim ugu tahay sumcadda iyo kalsoonida ay Somaliland ku leedahay beesha caalamka, sababtoo ah waxa ay Somaliland horumar weyn ka samaysay horumarinta hay’adaha dimuqraadiga ah, haddii aan taas la sii wadin, lana sii socodsiina waxay  noqonaysaa ceeb weyn, sumcad-xumo ayaana ka dhalan karta haddii aan la qaban doorashada Madaxtooyada bisha March ee sannadka soo socda,” ayuu yidhi safiirka ka socday dawladda Ingiriisku.

Diblomaasiga Ingiriiska ah, ayaa sheegay in dib-u-dhaca ku yimaad doorashooyinka Somaliland aanay wax isbeddel ah ku keeni doonin xidhiidhka iyo taageerada ay la leeyihiin dawladda Somaliland, balse ay arrintaasi keeni karto calaamad-su’aal fuusha hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Waxa aynu wada ognahay in aan weli Somaliland loo aqoonsan sida qaran madaxbannaan oo kale, annaguna sidoo kale maannu aqoonsan, laakiin waxa aannu muddo dheer si wax-ku-ool ah oo dhaw amma soke ula shaqaynaa xukuumadda Somaliland, taasna waannu sii wadi doonaa, wax isbeddel ahna kuma imanayo arrintaas.

Marka laga hadlayo dimuqraadiyadda Somaliland, waxa ay Somaliland ahayd iftiin ka dhex muuqda dalalka Gobolka ku yaal, waxayna hannaanka dimuqraadiyadda muddo dheer u horumarinaysay si wax-ku-ool ah oo dhiirigelin mudan, kaasoo ay aqoonsan yihiin dad badan oo caalamka ah, laakiin, haddii ay doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo waxa imanaya calaamad-su’aal, muddada loo kordhiyey Golaha Wakiilladuna waxa uu keenayaa calaamaad-su’aal kale,” ayuu yidhi Ambassador Andrew Allen.

Waxa kale oo uu sheegay in aanay arrin fiican noqonayn haddii dib-u-dhac ku yimaad doorashooyinka Somaliland, isla markaana maamulka Muqdisho si fiican u maamulaan doorashadooda aan tooska ahayn ee la qorsheeyey inay ka qabsoonto Soomaaliya, arrintaas oo uu tilmaaamay in dad badan isbarbar dhig ku samayn doonaan, waxaannu ku baaqay in si qurux badan loo maamulo doorashada Madaxtooyada Somaliland si sare loogu sii qaado sumcadda wanaagsan ee Somaliland ku leedahay caalamka.

“Waxa jira woxogaa isbeddel ah (dramatic change) oo khuseeya siyaasadda dawladda Ingiriiska ee khuseeya arrimaha Somaliland, haddii aan taas yara sharaxana, waxa jira masuuliyiin ka socda xukuumadda Ingiriiska oo ka shaqeeya arrimaha Somaliland, kuwaasoo ka shaqeeya halkan Hargeysa, Addis Ababa (Itoobiya), Nairobi (Kenya), Muqdisho iyo London, iyadoo ay badan yihiin dadka ka shaqeeya hawlaha khuseeya Somaliland, anniguna kuwaas ayaan ka mid ahay, waxaanan Hargeysa u imanayaa sidii shaqadayada (Somaliland) si wada jir ah loogu sii wanaajin lahaa, sidaa darteed, anniga waxay ii noqonaysaa mid i caawinaysa in aan si fiican u fahmo sida ay dareemayaan dadka reer Somaliland, jihada ay siyaasadoodu qaadayso iyo waxa ay doonayaanba, taasoo iga caawin karka macluumaadka aan u gudbin karo Muqdisho,” ayuu yidhi Safiir-ku-xigeenku.

Waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo sidii uu dadka reer Somaliland ugala sheekaysan lahaa arrimaha ka dhacaya Soomaaliya, arrintaasoo uu xusay inay sidoo kale ka caawin karto fahamka farqiga u dhexeeya amma ay waxyaabaha ay isku diidan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

Diblomaasiga ka socda Ingiriiska, ayaa sheegay inuu jiro xidhiidh xoogan oo taariikhi ah oo ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK, xidhiidhkaasoo uu tilmaamay inuu soo taxnaa ilaa waqtigii ay Somaliland ahayd maxmiyad hoos tagta dawladda Ingiriiska, isagoo xusay in dawladdiisu caawimo siiso Somaliland ilaa markii ay xornimada qaadatay sannadkii 1960-kii.

“Waxa aannu ka caawinayaa Somaliland dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dhinaca hay’adaha ammaanka iyo nabadgelyada, hannaanka siyaasadeed, horumarka dhaqaalaha, taageeradaasina way sii socon doontaa,” ayuu yidhi Ambassador Andrew Allen.

Safiir-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale sheegay in isbeddelada ka dhacay dalka Ingiriisku horseedi karaan in sare loo sii qaado cilaaqaadkooda ay la leeyihiin Somaliland, waxaannu sheegay in Ra’iisal-wasaarihii hore ee UK Mr. David Cameron uu aad u danaynayey arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, halka sidoo kale haweenayda hadda Ra’iisal-wasaaraha ka ah dalkiisa Mrs. Theresa May ay caddaysay inay sii wadayso taageerada dawladda UK siiso Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu iftiimiyey in shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya lagu qaban doono Ingiriiska horaanta sannadka soo socda ee 2017, haddii Ilaahay yidhaah.