Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii daysay ku dhawaad 10 kun oo maxaabiis ah

0

Itoobiya-(Berberanews)–Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay sii daysay ku dhawaad 10 kun oo maxaabiis ah oo la qabtay intii lagu gudo jiray xaaladda dagdag ah ee la soo rogay bishii tobnaad ee sanadkan.

Ku xigeenka afhayeenka dawladda Zadig Abraha ayaa arrintaas u xaqiijiyay BBC.

2,500 oo ruux oo kale ayaase lagu soo oogi doonaa dambiyo la xiriira daganaansho la’aan.

Xukuumaddu waxay sheegtay in kuwa la sii daynayo la siiyay tabobarro khaas ah si loo xaqiijiyo in aysan mardambe ugu dhaqmin “dabeecad burburin ah”_93060501_c14d3870-9b85-488a-86c5-460aa90b9462

Itoobiya oo raaligalin ka bixisay khariirado khaldan oo ardayda la baray

Dhimashada dibadbaxyada Itoobiya

Itoobiya oo xannibaada ka qaaday diblomaasiyiinta

Dadka xiran intooda badan waxay ka soo jeedaan gobolka Oromada iyo kan Amxaarada halkaas oo ay muddo bilooyin ah ka jireen mudaahaardyo lagu diidanaa takoor dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah.

Xaaladda ayaa dagtay tan iyo markii uu dhaqan gashay xaaladda dagdaga ah.

Xigasho Bbc