Dawladda oo maalmo ka dib soo celisay gaadhigii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

0

Hargeysa(Berberanews)-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay dib ugu soo celisay gaadhigii Gudoomiye Ciro iyo direys Ciidan oo saarnaa kadib markii ay dhawr maalmood ka hor ay dawladdu la wareegtay.

Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo shabakada Ilaysnews.com la xidhiidhay waxay u sheegen in xukuumadu ay arintaas raali galin ka bixisay isla markaana ay gaadhiga dib ugu soo celisay Guriga gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro.