Dawladda Sh. Shariif oo sheegtay inay dedaal ugu jirto siiddaynta Barre Hiiraale oo Itoobiya u xidhan

0

Muqdisho, 21, May 2011 (Berberanews)- Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay dedaal ugu jirto siidaynta xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale) iyo afar sarkaal oo kale, sida uu u sheegay saxaafadda Muqdisho wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga TFG Cabdi Maxamuud Abti-doon.Wasiiru-dowluhu wuxuu xaqiijiyay in xildhibaanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan dawlada Soomaaliya ay ku jiraan xabsi guri isagoo sheegay inay xukuumaddu waddo dedaal dhinaca dublamaasiyadda ah oo lagu siidaynayo xildhibaanka iyo xubnaha la xidhan. “Xukuumadda TFG ha waxay waddaa dedaallo lagu siidaynayo Barre Hiiraale iyo saraakiil kale oo la xidhan, kuwaasoo ku jira xabsi guri,” ayuu yidhi Abtidoon oo xusay inaanay mas’uuliyiintani ku xidhnayn xabsiyada caadiga ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa todobaadyo ka hor xidhay xildhibaan Barre Hiiraale iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan, iyadoo aan la ogeyn sababta loo xidhay, waxaana xubnahani ay ka mid ahaayeen saraakiisha hoggaaminaya dagaallada ka socda gobollada Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa xaqiijiyay xardhiga saraakiishan, waxaana hadalkiisani ku soo beegmay  xilli ay xubno ka tirsan baarlamaanka oo ku shiray Muqdisho ay ku eedeeyeen xukuumadda TFG inaanay waxba ka qaban xadhiga xildhibaan Hiiraale. Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaan weli ka hadal xadhiga saraakiisha, iyadoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo xukuumadda Itoobiya ay xidhto xildhibaano iyo sarakiil ka tirsan dowladda TFG ee Soomaaliya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland