Dawladda Sucuudiga oo fasaxday markab xoolo ka qaaday Berbera oo ku xayirnaa Jeddah

0

Berbera-(Berberanews)-Dawladda Sucuudiga ayaa si rasmiya u fasaxday in ka dejiyo markab u rarnaa ganacsato reer Somaliland ah oo xoolo ka qaaday Marsada Berbera, kaasoo laba maalmood ku xannibnaa Jeddah ka dib markii lagu xidhay warqad inay kasoo qaataan dawladda Somaliland.

Haseyeeshee wasiirka xannaanada Xoolaha iyo Beeraha ee Sucuudiga ayaa qoraal rasmiya oo uu maanta soo saaray ku sheegay inay fasaxeen markabka xoolaha siday iyo dhammaanba dhoofka xoolaha ee moosinka xajka ee ka imanaya Berbera inta uu socdo xajku.

Halkan ka akhriso warqadda rasmiga ah ee ka soo baxday Dawladda Sucuudiga.