Berbera News | Daily News Update

Dawladda sucuudiga oo soo celisay markab xoolo ka qaaday Berbera, madaxweyne Biixi oo la filayo inuu jawaab ka bixiyo iyo qaraar lagu joojinayo dadka xujaajta ah

Berber-(Berberanews)-Dawladda Sucuudiga ayaa soo celisay markab sadex habeen ka hor ka goostay Marsada Berbera, kaasoo u rarnaa ganacsatada xiikaha oo siday xoolo tiradoodu dhantahay 19,633 neef.

Markabka oo lagu magacaabo Mv FAHAD, ayaa warar ay heshay shebekadda Berberanews waxay xaqiijiyeen in dawladda Sucuudigu ku xidhay warqad inuu ka sito dawladda Somalia.

Go’aanka ay dawladda Sucuudigu ku soo celisay markabkan ay saaranyihiin xoolaha xajka ayaa dhabarjab weyn ku ah qaranninada Somaliland iyo ganacsatada uu u raranyahay ii iyagu horeba u diiday inay Somali warqad uga qaataan xoolahooda.

Ganacsade Ali Dahir Camuud oo Kamida ganacsatada Xoolaha Ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku sheegay in lasoo Celiyey Markabkii Xoolaha ka qaaday Dekadda Berbera.

Dhanka kale, warar u dhuun daloola Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in Madaxweyne Biixi uu maalinta berri ah ka hadli doono tallaabada ay dawladda Sucuudigu ku soo celisay markabka siday xoolaha, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland kaga jawaabayso qaraar ay ku joojinayso dadkeeda doonaya inay soo gutaan waajibaadka xajka.

Xukuumada Somaliland Ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ayaa ilaa hadda ka Hadal Wararka Is Khilaafsan Ee kasoo baxaya Markabka Mv Fahad Ee Xoolaha ka qaaday Dekadda Berbera