“Dawladii iyo Xisbiyadii Cabdiraxmaan Cirro oo keliyi iiga yimi” Maryan Mursa Ciise

0

Hargeysa(Berberanews).Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ay weheliyaan Afyaheenka Xisbiga Barkhad Jaamac Batuun iyo marwadiisa, ayaa booqasho ugu tegay fannaanada caanka ah ee Maryan Mursal Ciise oo ku xanuunsanaysa Hargeysa.

Maryan Mursal, ayaa ka mahadcelisay booqashada Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, “Maanta aad iyo aad baan u faraxsanahay anigoo cusbitaal ku jira oo ka tirsan hobollada Somaliyed meelkastooy joogaan oo maanta dawladii iyo Xisbiyadii Cabdiraxmaan Cirro oo keliyi iiga yimi aad baan ugu faraxsanahay.” ayay tidhi Fannaanada Maryan Mursal Ciise.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa isna Ilaahay uga baryay inuu caafimaad siiyo fannaanada weyn ee Maryan Mursal.

Halkan ka daawo muuqaalka.