Deegaanka Berbera iyo doorka dhaq-dhaqaaqyada Ganacsiga Umadda u simantahay.

0

Warbixintan oo kooban waxaan rabaa in aan wax yar ka iftimiyo waxa uu yahay Deegaanku iyo Doorka dhaqdhaqaaqa ganacsigu ku yeesho Bulshooyinka dhexdooda.

Dhaqanka Deegaanka:- ” dadka ilaahay aduunyada ku uumay waxay iskaga mid yihiin xaga dhaqanka oo ay cidkasta leedahay meel loo yaqaan waxa uu RABIGEEN u dejiyey “shucuub iyo qabaa,il” xagiisana way u simanyihiin ciddii khayr leh ee Aakhiro u shaqaystay uun baa xagiisa u dhow , kasaana ugu mudan,sidaasaana Eebbe ku cadeeyey Quraankiisa Kariimka ah.

Hadaba waxaan u soo qaatay taas ciddii tidhaahda dhulkaasu ama degaankaasu dadka dunida oo dhami way u simanyihiin mana jirto,waayo cidda qaybisay waynu garanaynaa waana ALLE,waana waajib in aad sunaha nolosha aqbashid hadii kale waxa aad hirdiyi-doontaa gidaar adag oo aad ka soo go,do , mana jirto cid tirtiri-kartaa ama ka dhameyn kartaa meel Alle ugu talo-gay ummad dhan , isku-day kasta oo yimaada.

Waxaa dhacda in shaqsi sheegto deegan uu ka yimi asal ahaan , waana wax laysku garto taas ayaana micneheedu tahay in beelaha daga dalka ay kala leeyihiin deegaamo ku magacaaban oo macruuf ah, tusaale (waa somalilander,waana reer Gabiley ama reer Berbera amase oodweyne) waqti badan kaa qaadan-mayso doondoonisna uma baahna Adresskiisu.
Ganacsiga:- Waxaana aan ognahay in dunida oo dhan uu ka jiro Doorka dhaqdhaqaaqa ganacsigu oo loo simanyahay.,isla-markaana waxa dhacda in shakhsi degaan kale u dhashay Yimaado meel kale ama kelli ha ahaado ama cidi ha la socotee kana yaglleelo degaankaa uu yimid Ganacsi mugweyn leh oo mudo ka bacdi saameyn weyn ku yeelan-kara goobtii uu ganacsiga ku unkay , waxaase is weydiin leh waa intee in leeg xiligan iminka ee dunidu marayso aqoon iyo garashoba oo aan ahayn cahdiyadii ama xiliyadii jahliga ee madooba bulshaduna ayna garan jirin waxa sharci ahaan la kala leeyahay.,
,waxaase suurto,awda in awood laysku muquuniyo in muddo ah, su,aasha meesha ku jirtaana waa intee mudadu? ,hadii aan ka jawaabo e waa wax yar oo kooban.

BERBERA:- Hadii aan u soo laabto Magaalada Berbera waa il aan ruuxna ka dahsoonayn,waxaase GUULE dejiyey intaan berberaba loo bixin dad uu isagu u gartay in agagaarkaas iyo goobtaas ay ku noolaadan wax kasta ha ku qabeen e , anigu iminka maa-gelin taariikho iyo sidii dhulkaasi ahaa cimilo ahaan iyo dhiba iyo waxaas-baa laga yidhi toona waxaan-se soo gaadhay kuwii Ilaahay baday mooye kuwa kale marka ay soo dhex maraan way acuudu bileysan jireen weedhahoodana waxaa ka mid ahaa “ALLA kuwan muxuu ILAAHAY ciqaabay , cadaaba ma le waar bal eegay walaahi waan ka naxay” iwm. waxaan jecelahay in aad ogaatid in Berbera ilaahay siiyey kuwii 17 awow iyo waxa ka badan joogay hareeraheeda iyo gudaheedaba , kii ka awow , ka awow 4 tii caruura ee uu u dhashaba 3 ama 2 abeeso ka cuneysey kaas baa leh Berbera ciddna hor ,hareer iyo dib- u debo-fadhiisan maayo kaas baa joogana joogina doona,ilaa weligood.

Waxaan maqaalkan gaaban ku soo gabagabeynayaa Berberi way u furtahay cid kasta oo imanaysa reer Somaliland na xuxquuq gaara bay ku leeyihiin waana caasimadoodii ganacsiga waxaanse ku adkaynayaa Berbera cid baa leh oo ilaashanaysa (“Ilaahay ka sokow”)ee waa in aad ogtaan taas waana in aad maskaxda gelisaan maa aha no-mansland..
Waxaa dhab ah in maamul kasta oo jiraa waqti leeyahay, balse dalka iyo dadku ay yihiin kuwa jira oo marwalba u baahan in loo Asteeyo nolol horumar iyo amni leh, mana jirto cid si gaar ah ugu faaideysan-karta.
N,B:- Iga raali noqda waxaa ila dheeraaday qoraalka oo ah mid aan lagu soo koobi karin halkan waxaana ka cudur-daaranayaa wixii khalad ah in aanay iga ahayn in aan wax khaldo ee ay iiga dhacday hadii uu naxwaha wax ku jirana ay jirtay diyaarintii dhambaalka oo Degdeg ahayd .

-Tawfiiq Alle-

Shucayb Maxamed Gurux /UK