Degmada Berbera ma lagu aamini karaa maamulka mashruuca tamarta qoraxda laga dhalliyo ee ay dawladda imaartku inoogu deeqday.?

0

Warshada konrotada magaalada Berbera, oo ay dhistay dawladii ingiriisku markii ugu horaysay, xiligii dawladii kacaankana ay sii balaadhiyeen dawladaha ruush-ka iyo chine oo u kala dambeeyey, ayaa waxa saameeyey burburkii dalka ka dhacay. 1991 markii ay dib u curatayJSL, waxa kaalintii wershada korontada u buuxiyey bulshada magaala xeebeda Berbera, muwaadinin si gaar gaara ah dabka u siin jiray xaafadaha kala duwan ee magaalada.
▪︎2001-dii ayay mulkiilayaashii dabka siin jiray xaafadaha kala duwan ee magaaladu samaysteen shirkad ay ku midoobeen oo magaceeda loo soo gaabin jiray BEE.
▪︎2007-dii ayay dawladii madaxweyne Riyaale dib u kicisay warshadii korontada Berbera, waxayna la wareegatay shirkadii BEE, qalabkeedii iyo shaqaalihiiba.
▪︎2009-kii ayaa dawladii Rayaale maamulkii wershada ku hoos gaysay gollaha deegaanka ee degmada Berbera, oo iyaguna u magacaabay maareeye.
▪︎2014-kii dabayaaqadiisii ayay xukuumadii madaxweyne Siilaanyo gebi ahaanba wershadii ugu wareejisay shirkad gaar loo Leeyahay, iyadoo dabcan dawladuna saami ku leedahay, nidaamka loogu yeedho PPP. Inkastoo su’aalo baddani dul hoganayaan asalka shirkadan lahaan sheheeda, saamiga saxda ah ee dawlada, iyo inay jirto xanta ah in shirkado kale oo waaweyn oo ganacsi ay iyana iibsadeen saamiyo cusub.

Haddaba marka aynu intaas kaga nimaadno marxaladihii kala duwan ee ay soo martay wershada korontada Berbera, aynu dul istaagno mawduuca qormadani ku saabsantay oo ah gollaha deegaanka degmada Berbera ma awoodaa inay maamulaan deeqdan dawlada imaaratku ugu deeqday magaalo xeebeda Berbera ? kana mid ahaa mashaariicdii lagu bedeshay dekeda iyo madaarka Berbera. si aynu su’aashan jawaab ugu hello waxaynu ka eegi doonaa laba dhinac oo kala ah dhinaca shuruucda iyo dhinaca awooda maamul ee maamulka gollaha deegaanka iyo dawlada hoose ee Berbera.

Haddii aynu ku horayno dhinaca, sharciyadda oo uu ugu horeeyo dastuurka JSL iyo xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka dalku xeer No 23.
Q.112 , farqadiisa 1aad ee dastuurku waxay u dhigantay siddan. ” maamulka adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha,nalka, isgaadhsiinta IWM. Waxa xilkoodu saaranyahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan”.
Q.25aad Awoodaha mudanaha farqadiisa 3aad ee xeer No 23. Wuxuu u dhiganyay sidan. ” inuu hormuud ka noqdo, u horseedo, abaabulo arimaha daryeelka iyo horumarinta bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka, nadaafadda guud IWM.””
Q.40-aad qodobka kowaad iyo farqadiisa C xeer no.23 waxay u kala dhiganyihiin Sidan. “Gollaha deegaanku wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah, kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midha dhalintiisa ee ku jira xadka degmadooda”
C- ” maamulka, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada arimaha bulshada sida waxbarashada,caafimaadka biyaha,nalka IWM.”

Haddii aynu intaas kaga nimaadno dhinacii sharciyada oo inoo iftiimisay awoodaha iyo waajibaadyada shaqo ee dastuurka iyo xeerarka ka farcamaaba u qaydeen, oo aynu qodobo kooban ka soo qaadanay. Bal imikaana aynu ka eegno dhinaca awooda ( capacity ) ee Gollaha deegaanka iyo maamulka dawlada hoose ee Berbera. Dawlada hoose ee Berbera waxa kal fadhigoodii u dambeeyey ay ku ansixiyeen miisaniyad kor u dhaaftay 105 billyan oo samaliland shilling ah, waxa ka hawlgala shaqaale ku dhaw 1000 shaqaale ah. Waxay fulisaa aydeegyo kala duwan, samaynta wadooyinka, dhismayaal loogu adeego bulshada sida waxbarashada,caafimaadka. Adeegyada kale ee ay bulshashada u qabtaan waxa ka mid ah nadaafada, fayadhawrka, billicda, naqshadaynta magaalada,dhul bixinta iyo adeegyo kale oo baddan oo ay mas’uul ka yihiin.

Haddaba mashruucan tamarta qoraxda lagaga dhallinayo (solar ) oo u baahan in lagu xidhiidhiyo mashiinada dab dhaliyaasha ah ee warshada korontada oo ay hadda gacanta ku hayaan shirkad private ahi oo awoodooda lagu qiimayn karo damista joogtada ah iyo ciladaha soo noqnoda ee ay khaatiyaanka ka joogaan dadka ku nool cimiladan kulul. In kasta oo dadka difaaca shirkadan ay ku doodaan xiligii dawladu maamulaysay qiimuhu wuxuu ahaa 0.9 $ halkii unit, imikana waa 0.39 $ halkii unit. Anigu waxaan qabaa shalay ma aha maanta, lix sanno ka hor magaaladu halkay joogtay ma joogto dhaqaale ahaan, tirada dadka ku nool, maalgashiga iyo shirkadaha kala duwan ee magaalada ka shaqaysta oo soo kordhiyey shaqaale baddan, tusaale ahaan shirkadu waxay la wareegtay 2610 suplay, halka maanta ay marayso 5550 in ka baddan, ku darsoo xaafadaha dhismaya leydhka ma geeyaan ee qofka macmiilka ah baa birta iyo xadhigaba iibsada. Waxa kale oo aynu ognahay shidaalkii dunida oo jabay.

Ugu dambayn waxa gunaanadka qormadan aan ku soo ururinayaa dadka Berbera oo ay ka wakiil yihiin maamulka degmada wey maamulan karaan mashruucan iyo kuwo ka baddanba. Magaalada Berbera oo sanadka intiisa baddan kulul shacabkoodu ma awoodaan shirkado macaash doona oo si kooto ah loogu xidho, kuna amar ku taagleeya.

Mohamoud Mohamed Jama.
Berbera, Somaliland.