DHANXIIR-Falanqaynta laba wejiile ee Wargeyska Jamhuuriya

0
DHANXIIR
Maansha Allaah; Alleylehe dawladdii KULMIYE ka dhalatay waxqabad muuqda ayey ummadda u hirgelisay, kaalay arag waddooyinka la bilay iyo daaraha xafiisyada ah ee la dhibday, weliba dadku haddii ay isku tashadaan oo hal-hal dollar waxqabadka socda ku taageeraan sannadaha soo socda Land-tu Yurub ayey u eekaan.

Weger; Adeer Yurub ama Afrika u eekaw ee hadalka badan igadaa annigu waan murugaysanahaye, miyaanad ogayn inay maanta tahay maalintii madoobayd ee kacaankii geerida 21-ka Octoobar, sabab la’aantana u xasuuqay maatidii Somaliland. Markaa waxay ahayd in dadka Land-tu maanta oo kale weer madaw xidhaan.