Dhibka iyo Dheefta Wershedaha

0

Waxaan filayaa in dhowaan   magaalooyin badan oo somaliyeed  isu bedeli doonaan “Industrial cities” oonay sii ahaan doonin “Urban-cities” dadakuna caafimaad daro ka qaadi doonaan. Waa hadii weshadada iyo magaalioyonka  lakala saari waayo.

Waynu ognahay dhibkii  qabsadey ingriiska1952 *London Smog* .  Magaalooyinkii iyo  Wershadihii markey is dhexgaleen dadkuna u qaateen in qiiqa wershadu yahay calaamadii horumarka, misna mudo kooban ayey dad-badani ku leededen, qiiqa dartiina loo joojey ciyaarahii, qiiqa dartiina gawaadhidii wadadooyinkii uga lumeen,  Bususka magaalada ka sgaqeeya wuxuu inanka kirishboygu la hor socon jiray Tooj si aanay wadad uga lumin…. kadib ayey garteen  baahida loo qabo in ” *la kala saarno magaalada  iyo wershedaha”*

Sidoo kale waxaynu ogeyn waxay sameysey shirkadii ” *Union Carbide”* ee mareykanka aheyd tasoo ku taaley India magaalada Bhopal 1984kii. Salaad hore abaaro 6:am maalin Isniin ah oo dad-kuna wali hurdaan, ayey wershadii Gaas Sun ah oo layidhsa Methyl- isocyanate si lama filaan ah uga fakatey, daqiido gudohoodna magaaladii waxa qabsadey ceeryaan sun ah, in yar kadib waxa ku naf-waayeey in ka badan 3,800 qof waxa ku laxaad beelay in ka badan 11,000 qof.

Ogowna wershadani waxay sameyn jirtey DDT oo aheyd maado India aad ugu baahneyd maadaamooy beeraha falan jireen, sidoo kale wershaduni waxay samaysey shaqo abuur badan laakiin dhibkeedii ayaa ka battey dheefteedii. Dhib iyo Dheef midkeen rabnaa?

Sidoo kale waxa kadhacay magaalo xeebeeda “Mini-mat a-bay”  in weshadahu qashinka ku qubi-jirey biyaha Badda maado Methyl-Mercury oo sun ah ayaa Kaluunkii sumeysay, modo kadib Bisada-hii hanbada ama hadhaaga dadka cunaayey waxay bilaabay inay dance ciyaaraan,  dadkiina  waxay layaabeen dhaqanka cusub ee bisaduhu la yimaadeen, laakiin mudo kooban kadib dadkii magaalada waxa haleelay cudurka gariirtada (ilaa ay gaadheen inay  koobkii shaaha ahaa xejin waayaan). Kadib ayaa la ogaadey in wixii bisadahu u dance jireen uu ahaa xanuun, sababtuna aheyd maadoda sun ah oo layidhaa “Methyl-Mercury” (CH3Mg) taasoo la socotey qashinkii wershaduhu biyaha Bada ku ku qubeen

Dhibaatooyinka  wershaduhu wey badan yihiin qofkuna wuxuu is waydiin karaa  *sidee wershadahana loo kobciyaa-dad iyo duunyana looga nabad galaa.*

Waa arin fudud

1. in aynu helo dad yaqaan ama bartey Chemical  Eng ama Environment Eng  oo muwaadiniin e.g. yaqaana sidey warshaduhu u shaqeeyaan waxay sameeyaan “product” iyo waxay qubaan/discharges “byproduct”

Iyo

2. In dawladu la timaado siyaasad cad oo faraysa in la kala saaro magaalooyinka dadku degaan (urban areas)  & meelaha wershadaha  (industrial area) laga dhisaayo. Xataa madbacadaha (printing industries) wax daabaca, waxa haboon in magaaalooyinka laga saaro.

Waliba,  wershadaha waa in aan laga  dhisin dhinaca biya-hu magaalooyinka uga yimaadan ama dhinaca hawadu magaalada  kaga timaado, si aanay u soo noqon dhibkii wershadii China ha ee dooxa Dar-buruk.

Sidoo kale maadaamoo maanta Somalidu dhamaan u *dhaqaaqdey shidaal qodid, dhoofin iyo soo dejin* waxa haboonaan laheyd in dheeftiisa garanee,  dhibkiisa-na wax laga ogaano.

Hadii laga yimaado dhibaatada ka dhasha Salliida qubata, waxa iyaduna dhibaato weyn ah    maadooyinka radio-active aha ee layidhaa   “NORM” ka  iyo Gaas-saadka sunta ah een xad iyo xeer midna aqoon kuuguna imanaaya meesha aad joogto sida; H2S, NMHC, BTEX, VOCs, NOx…etc.

Sidaa darteed shaqada shidaalku dhamaan e.g  drilling, transporting and Storing, processing…etc. waxay u baahan tahay in laga foojignaado, lana nidaamiyo, si faadiidadu aanay khasaare u keenin.

Mohammed Ibrahim Cabdi.

mohammed_ibr40@hotmail.com.