“Dhibtii ay gaysteen waagaasi ayey hada Dheefteedii heleen Maydkoodina” Wasiir Koore

0

Hargeysa-(Berberanews)-Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Warfaafinta Somaliland ka hadlay hadal ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo inuu sax ahaa ku sheegay duulaankii dadka badan lagu xasuuqay ee dowladii kacaankii ay ku qaaday Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland wuxuu Shacabka reer Somaliland uga tacsiyadeeyay hadalkaasi ka soo yeedhay Jeneraal Cabdiraxmaan Guulwade.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aysan marnaba daacad ka aheyn wada-hadalo midho dhala oo labada dhinaca dhex-mara, maadama uu xusay inuu Guulwade hore ugu magacaabay Wada-hadalada Somaliland iyo Dowladda federaalka.

Koore ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mareyso ciqaabta dhibtii ay u geysteen deegaanada Somaliland oo ay hore xasuuq ugu geysatay dowladdii Kacaankii.

 “Farmaajo marka uu Ninkaas u magacaabey Wada-hadalada Somaliland waxa muuqatay inaanu Jeclayn inuu sii socdo Wada-hadaladii u dhaxeeyay Somaliland Iyo Soomaaliya” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafinta Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Dhibtii ay gaysteen waagaasi ayey hada Dheefteedii heleen Maydkoodina ilaa hada waa la kale guri laayahay”.