Dib u Soo Nolaynta Muhiimadii Berberi Lahaan Jirtey Qarniyo ka Hor

0

Magaalada Berbera markaan booqasho ku gaadho,waxaan hoos isku weydiin jirey xadaarrada iyo gancasiga qarniyo ka hor ka jiri-jirey, ka dib, markaan arko fooqaqa dunsan iyo dhismayaasha meherada ahaan jirey ee dunsan ee suuqa camiran ee laga dukaansado ahaan jirey inta u baaxad leegaa ganacsiga iyo xadarradaasi.

Waxa kale oo aan is weydiin jirey maxa sabab u ahaa inay dunto xadaaradaas ka jiri-jirey magaalada Berbera qarniyo ka hor?

Su’aalahaas waxaa iga qanciyey oo ka jawaabey maqaal dhawaan ku soo baxey wargeyska la yidha “Gulfnews” ee ka soo baxa Abu Dhabi. Waxa qorey qof aan magaciisa sheegin lakiin ka tirsan jaamacada Abu dhabi. Cinwaankiisu waxa u ahaa sidan “Berbera Tariikhdeeda ayaa sheegeysa Muhiimada ay leedahey.”

Haddaba, waxaan jeclaystey inaad ila wadagtaan maqalkaas oo aan soo tarjumey oo aan soo koobey.

Waxa u ku bilaabey Gulfnews sidan; “Heshiiska dhawaan dhex-marey xukuumadda Somaliland iyo shirkada DP World, waxa u dib u soo noleynayaa ganacsigii ka jiri jirey Berbera, waxaannu si mug leh u ballaadhinayaa dhaqaalaha Geeska Afrika.

Haddaba, Heshiiskan aynu diirada saaro sida arrintani u kobcin doonto dhaqaalaha gobolkan.

Dib soo nooleyntii Berbera oo soo socota (Revival of Berbera underway):

xigashada Gulfnews “Macnaha guud ee taariikhiga ah ee Somaliland, ayaa caddeyn u ah muhiimada dekedda Berbera leedahey, Somaliland tariikhdeeda soo jireenka ah, ayaa ka marag ah in Berberi xudun u ahayd shebekad gancasi oo casri ah qarniyo badan.

Tariikhdii Giriiga ee qarniyo hore ayaa waxay caddeeyeen Berberi inay tahay dekeddii ugu badneyd ee ay isticmaali jireen wakhtigaas oo loo yaqaaney (Dekedda Malao)  taas oo lagu muujiyey qarnigii koowaad ee Ciise dhimashadiisii (first century AD) qoraalo ay sameeyeen Badmaaxyo Giriig ah oo iskaga gooshi jirey Badaha Erythraean oo hadda loo yaqaano gacanka Cadmeeda (Gulf of Aden). Erythraean Sea, waxa ay ka koobneyd oo loo yaqaanay Red Sea, Gulf of Aden, Arabian Sea.

Nin Giriig ah oo ganacsade ah  oo aan magaciisa la sheegin ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey jidka markiibtu marto iyo noocyada badeecadaha ganacsi ee  u kala gooshta Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Qarniyadii dambe sahmiyeyaal Shiine ah oo ka socdAy Boqortooyadii loo yaqaanay TANG, Waxey qoraal ku muujiyeen muhiimada ay Berberi leedahey iyo dadkii ehelka u ahaa ee degenaa.

Haddaba, Qarnigii 19-aad sahamiyihii caanka ahaa ee Ingiriiska ahaa ee la odhan jirey Richard Berton, ayaa qormo dheer ku waadixiyay  ahmiyadda ay Berberi u yeelan karto Ingiriiska, buugiisa la odhan jiray Safarkii u horeeyay   ee Bariga Afrika “First Foot Steps in East Africa.”  Wuxuu   ku dheeraaday sababta Berberi muhiimka  u tahay, waxaannu  Ingiriiska kula taliyey inuu  qabsado Berbera sababahan soo socda awgeed:-

-Berbera waa furaha runta ah ee bada cas.

-Goobta Berberi ku taallaa ayaa ah marin biyoodka gadiidka bada cas  iyo barriga Afrika.

-Waa meesha qudha ee amaanka iyo nabadda ah ee ehelka u ah markiibta marta galbeedka badda Erythraean Sea illa Raas Gardafu.

Sannado ka dib, Gashaanle sare oo Ingiriis ah oo magaciisu ahaa “lietunent C J Cruttenden” ayaa siyaabo kala gedisan uga warramay  carwo gancasi oo Berbera lagu qaban jiray sannad walba. Carwadaa ganacsi waxay  socotay muddo dhawr qarni ah, waxa la bilaabi jiray Bisha November  illaa April sannad kasta, sidaas waxa qorey C J Cruttenden xusuus qorkiisii   la odhan jirey, ‘“Memoir on the Western or Edoor Tribes, inhabiting the Somali coast  of East Africa” ama “xusuus qorkii Galbeedka ama beelaha Iidoorka ee degan xeebta Soomaaliyeed ee Bariga Afrika.

Wuxuu  qoralkiisa ku muujiyey kala duwanaanshaha  ganacsatada ka soo kala jeeday qoomiyado kala duwan. Carwadaasi waxay ahayd mid aad u xiiso badan oo soo jiidata qoomiyado farabadan oo kala iman jirtey dhul aad u kala fog. Muddo gaaban ka dib marka la kala danaysto ayey qoomiyad kasta ku noqon jirtey degaankeeda.

Marka carwada Berbere mareyso halka ugu sareysa, Berberi waxay noqon jirtey “BABEL” oo macnaheedu yahay bullaanka iyo sawaxanka ka dhasha afafka lagu hadlayo ee kala  jaadka ah.

 Waxa u yidhi; ‘Doonyaha Yementa ayaa keeni jirey qalab farshaxmeed oo yar-yar iyaga oo raadinaya cid ka iibsata inta aanay iman doonyaha ka imanaya Khaliijka oo la filayey inay yimaadaan saddex toddobaad  ka dib oo ka alaab fiicnaan jirey waxay ka iman jireen Khaliijka kale sida; (Musqad, Sur, Raas al kheyma, Bagalas ka yimaada Bahrain,Bussorah iyo Graen).’

Ugu danbeyn, waxa ka soo qyb-geli jiray ayuu yidhi ‘Ganacsato buur-buuran oo maal-qabeenno ah oo Somaliland u u taqaanay Baaniyaal oo ka soo jeeda Bombay. 

  Marka laga reebo sumcada Ingiriiska, Berbera mar welba boqcada ay ku taal muhiimad ayay u lahayd  Juquraafi ahaan. Waxa taas daliil  u ah sida ay xoogagii dunidu u daneyn jireen,sida  Boqortooyadii cusmaaniyiintii  (Ottman empire), Masar ka dib markii la furey marinka Suweys Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaaniga qarnigii labatanaad (20aad) horantiisii. Intaas waxa ku xigay Midawgii Soofiyeeti  oo sii baldlaadhiyey Dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera. Taasina waxey kordhisay Istaraatajiyadii  Juquraafiyadeed ee Berberi leedahey. Intii  Midawgii Soofiyeeti gacanta ku hayay Berbera waa wakhtigii loo yaqaaney dagalkii qaboobaa.Wakhtigii 1980-kii dawladda Maraykanka ayaa maamulkii Somalia ka jirey heshiis kiro ah la gashey si ay hay’adda NASA dayax-gacmeedkeedu u soo fadhiisto haddii ay ku timaado xaalad degdeg ahi (Emergency landing).

Haddaba, tariikhadan layaabka leh ayaa xoojinaysaa in juquraafi ahaan iyo istaraatajiyad ahaanba Berbera iyo degaanka ay ku taallaa inay ahayd oo imikana tahay boqcad muhiim ah  marin baddeed  wax loo dhigaa aanu jirin.

Waxa uu ku soo gunaanadey wargeysku qoralkiisii, “Waxaan ilaahay uga baryaynaa in mar labaad Berberi gaadho sidii ay ahaan jirtay qarniyo ka hor iyo meel ka sii sareysa si albaab laga galo (Gateway) ugu Noqoto Bariga Afrika si ay Somaliland bash-bash iyo barwaaqo u gaadho. Inkaste oo ay muddo dheer bulshada caalamku  cadaadis ku hayeen.”

In kasta  oo maqaalkani aanu ka jawaabayn wixii sababta u ahaa in Berbera laga haajiro oo xadaarradaas iyo gancasigeedii hore dumo, laakiin waxa markhti ma doon ah in talo-xumo iyo colaado sokeeyo oo ka dhacay ay keeneen in laga qaxo oo ay samaysanto Jabuuti.

Xilligan aan joogno, waxa markhaati madoon ah in heshiiska casriyaynta  Berbera ee shirkadda  DP World iyo saldhigga Millatari, ay tahay fursad dahabi ah  oo Berbera u horseedaysa inay cagaheeda mar kale ku istaagto. Waxa loo baahan yahay in la soo dhaweeyo shirkadan iyo dawladda Imaaraadka carabta.

Waa suurtagal sida loo soo maamulay heshiisyadan  inaanay dhammaanteen  wada  raali-gelin oo saluug jiro, waxaan odhan lahaa sawirka guud iyo muhiimada weyn ee heshiiskani  leeyahiin ha la xeeriyo.

Waxaan rumaysan nahay inaanu jirin wax wada sax ah ama kuligii wada wanaagsan oo mar qudha dhasha ma jiro. Waxaan ku tallin lahaa si miyir qabta aynu wixii khalad ah u saxno oo yaynaan cadowga isu soo raacin.

Siyaasiin iyo odayaal waaweyn ayaa waxay yidhahdaan dawladaha jaarku ma ogola  DP World iyo Saldhigga ama ha la soo weydiiyo, aad iyo aad ayaan ula yaabaa kuwaas siyaasiga iyo mutaclimka sheeganaya ee sidaas leh. Waayo, dawladda jaarka ah tartan dhaqaale ayaa ay ku wada jiraan ee walaalayaal cidna weydiin maayo,innaga ayaa ka tallinayna danteenna.

Waxaan aad uga naxay muddaharaadyada laga abaabuley dalka Ingiirska gaar ahaan  safaarada Imaaradka (UAE) horteeda. Arrintaasi maaha dhaqankii reer Somaliland cid kale oo cadaw Innoo ah ayaa ka dambeysay.

Waxaan ku soo gunaanadayaa carabtu waxay tidhaa “In lagula macaamilaa waxay la mid tahay iyadoo   lagu  aqoonsadey.”

Waxaa isku soo dubariday tarjumaada maqaalkan Xildhibaan Axmad Cabdi Kijandhe,waxaan ka qaybqaatey Axmed Ibraahim Juuq-dhawr iyo Ismaaciil Faarax Qadhuus.