Difaaca Man United Rio Ferdinand oo shaqo ka helay Warbaahinta BBC

0

BBC-da ayaa ku dhawaaqday in Rio Ferdinand uu qeyb ka noqon doono koox ay ugu talagashay in ay soo tabiyaan Koobka Aduunka Brazil 2014ka.

article-2519084-19E234BB00000578-750_636x382-80x60

Daafaca Manchester United iyo kabtankii hore ee England oo 35 jir ah ayaa u safatay xulka Sadaxda Libaax 81 ciyaardoo isagoo ka qeybgalay afar jeer Koobka Aduunka.

Waxa uu shaqadan kula biiri doonaa ciyaartoydii hore ee xulka England Gary Lineker, Alan Shearer iyo Phil Neville oo falanqeyn doona tartanka kulamadiisa bilaha June iyo July.

Ferdinand ayaa saaxiib dhaw la ah ciyaartoy badan oo xulka England ah iyo madaxda xiriirka kubada cagta Ingiriiska taasi oo ka saacidi doonta in uu waxbadan ka ogaado arrimaah Koobka Aduunka.

Daafaca kooxda Manchester United ayaa goor hore ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah ee Xulka England isagoo waqti dheer u soo ciyaarayay xulka Sadxda Libaax.