Digniin- Gudoomiyaha Gobolka Sool Ayaa Shacabka Gobolada Bari Uga Digay Inay Ka Taxadaraan Dhibka Kasoo Gaadhi Kara Khasaaraha Roobab Dabaylo Wata Oo Kusoo Wajahan Deegaanka

0
Digniin.
Anigoo tix raacaya farriimaha dhanka saadaasha hawada ee  muujinaya khatar laga filan karo Roobab waxyeello keeni kara in mandaqadda ay wajihi karto ayaan si aan ugu taxdarno aan bulshada gobolka Sool ku boorinayaa siiba reer guuraga & cid kastoo u nugul inay feejignnadaan.
Dhulka godan ama fududtay inay biyihu fudayd u maraan ama iskugu tegaan ayaan bulshada ay tahay inay ka fogaadaan .
Rabbi ha inaga hayo masiibo kasta balse waa waajib inaan is farno halista kastoo imaan karta kana sii tabaabushaysano .
Ha la sii faafiyo .
Nabad horumar baaxadleh oo gobolka sool ku talaabsado. In.a.
Guddoomiyaha gobolka Sool
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe