“Dilkaa dhacay mooyee wax kale ma jiraan” Taliyaha Booliska Laascaanood

0

Hargeysa(Berberanews)-Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Axmed Cabdilaahi ayaa xaqiijiyey in tiro dad ah loo hayo dilka Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool oo shalay ku dhintay Qarax loogu xidhay gaadhi uu watay gudaha magaalada Laascaanood.
Taliyuhu ma uu cayimin tirada dadka la qabtay, balse waxa uu cadeeyey in gacanta lagu hayo tiro dad ah, kuwo kalena lagu daba jooggo.
Geesta kale, waxa uu taliyuhu sheegay in xaalada Magaaladu caadi tahay, wax xaalad ah oo kalena aanay ka muuqanin.
“Dilkaa dhacay mooyaane wax kale ma jiraan xaaladuna waa caadi”ayuu yidhi Taliye Cabdilaahi.
Taliyaha qaybta Boolisku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyey qaabka uu qaraxu u dhacay, waxaanu tilmaamay “markii boqol talaabo ka socday halkii uu gaadhigu yaallay ayuu qarxay”.
“Ma jirto wax loo aanayn karo dilka, waa la baadhayaa”ayuu raaciyey Taliyuhu hadalkiisa.