Berbera News | Daily News Update

Diyaarad nooca dagaalka oo Turkiga leeyahay oo lagu la’ayahay dalka Suuriya

Istanbul (Berberanews)-Dawladda Turkiga ayaa ku baaqday shir deg deg ah oo lagaga hadlayo arrimaha amaanka kadib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaaya in diyaarad nooca dagaalka oo ay iska leeyihin Ciidanka Cirka ee Turkiga ay soo rideen ciidamada dalka Suuriya.

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay xidhiidhkii diyaaradda la lahaayeen ay waayeen xilli ay maraysay gobolka Koonfur Galbeed ee Hatay oo dhacda Badwaynta Mediterranean.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga Rajab Dayibb Erdogan ayaa sheegay in aanay xaqiijin karin sababta keentay diyaaradda in ay dhulka ku soo dhacdo,iyadoo sidoo kale aan laga war hayn nolol iyo geeri dadkii la socday.

Xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo Suuriya ayaa sii xumaanayay waayadan iyadoo ay  mar hore  dhacday in ay kala xidhan xuduudaha.

Dawladda Turkiga ayaa kasoo horjeeda siyaasadda Madaxweyne Bashar Al-Asad iyadoo kasoo horjeeda dhibaatooyinka ay dalkaas ka geysanayaan Ciidanka Suuriya.

Suuriya ayaan weli ka hadlin diyaaradaan nooca dagaalka ee laga leeyahay Turkiga oo lagu la’ayahay dalkeeda laguna magacaabo F-4 Phantom.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland