Diyaargarowga Soo Dhawaynta Madaxwaynaha Somaliland Oo Berbera Si Weyn Looga Dareemayo

0

Berbera, 02, May, 2011 (Berberanews)- Magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa laga dereemayaa soo dhawaynta Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku soo began maalinta beri ah Magaalada berbera, kana soo kicitimaya wadaka Kuwait oo ahayd dalkii ugu danbeeyay ee uu ku soo gebogebeeyay safar todobaad qaatay oo uu ku tegay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka.

Maamulka Gobolka ayaa ku hawlan qaban qaabada soo dhawaynata Madaxwaynaha Inkastoo maanta fasax lagu jiray,hadana Madaxwaynaha oo markii hore ka anba baxay isla Magaalada Berbera,ayaa diyaarad khaasa ka soo raaci doona wadanka kuwiet.

Qaar ka mida Golaha Wasiirada oo ka qayb qaadanaya soo dhawaynta Madaxwaynaha ayaa illaa caawa la fillayaa in ay yimaadaan Magaalada Berbera.

Madxwaynaha Smaliland oo markii u horaysay safar muddo qaatay ku tegay Wadamada Khallijka ayaa wararka ka soo baxayey ay tibaaxeen inuu madaxwaynahu xooga saaray sidii wadamada carabta xidhidhkooda loo xoojin lahaa.

Madaxwaynaha oo ay weheliyaan koox Golahiisa Wasiirada ka mid ah ayaa waxaa si rasmi ah loo ogaan doona natiijada safarkan uu muda ku maqnaa Wadamada Khaliijka ka dib marka uu soo gaadho Magaalada Berbera.

Berberanews.com

Berbera/Somaliland.