Djibouti: Tirada dadka uu ku dhacay Covid-19 oo ku dhow 800

0

Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 141 qof oo kale uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu BBC-da u xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

Waxa jira walaac Ku adaan cudurkan tiirada guud ee dadka u haayo cudurkan corona ayaa hada ah 732 qof dalka djibouti iyada oo ay kisas cusub oo gobolada ah ay jiraan halka tiirada dhimashada ay wali tahay 2 qof dhanka kale waxa ka bogsaday cudurkan 3 qof tirada dadka caafimaday waa 76 qof guud ahan sida ay Wasaarada sheegtay.

Iyada oo ay magaalada bandoo saaran tahay 24 ayaa hadana su’aasha dadka ay isweydiinayan ay tahay cudurkan oo aad u sii fafaaya maalinta kasta.

Iyado oo ay dowladu kordhisay waqtigan Bandowga wadanka iyada oo la gaarsiyay ilaa 28 bishan. Waxa dalka soo gala wali qaadka oo ka yimaada dalka Ethiopia waxa jira in meelaha qaar dadka aay isku soo uruuran waana sababta keeni karta iin cudurkan uu faafo.