Donald Trump Oo Walaac Ku Abuuray Dalalka Ethiopia Iyo Kenya

0

Washington(Berberanews)- Dalalka Kenya iyo Ethiopia oo qayb ka ah Ciidamada AMISOM ee sugan Soomaaliya, ayaa ka werwersan Tallaabooyinka iyo qorshayaasha siyaasadeed ee Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ee ku waajahan arrimaha Soomaaliya iyo mashruuca la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Arrintan ayaa timi kaddib markii hadal dhawaan ka soo baxay Donald Trump oo uu kaga hadlay siyaasadiisa ku waajahan Somalia ee la dagaalanka Argagixisada iyo saldhigyada Maraykanku ku leeyahay Bariga Afrika uu dib u eegis ku samaynayo, isla markaana uu dib u habayn ku samaynayo taageerada uu Mareykanku ku bixiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab oo ka dagaalama Soomaaliya.

Warbixintan oo lagu daabacday Wargeyska The East African, ayaa lagu sheegay in dawladaha Safka hore kaga jira dagaalka lagula jiro Al-shabaab, gaar ahaan Kenya iyo Ethiopia ee ku lugta leh dagaalka Soomaaliya in ay dhawaaqa Madaxweyne Trump ee dib u eegista lagu samaynayo taageerada Mareykanka ay khatar ku tahay.

Wuxuuna dhawaaqa Mr. Trump u muuqdaa mid wax badan ka bedelaya qorshaha siyaasadii Madaxweynihii uu xilka kala wareegay ee Obama, isla markaana doonayo inuu la yimaado qorshe cusub iyo siyaasad ka duwan tii maamulkii ka horeeyay oo ku waajahan arrimaha la dagaalanka Argagixisada iyo dhaqaallaha dawlada Maraykanku siiso dalal badan oo Afrikaan ah.

Warbixinta ayaa sheegtay in Trump u arko in aan wax natiijo iyo guul ah laga gaadhin dagaalka ka dhanka Al-shabaab, sidaa awgeed loo baahanyahay in la dhimo taageerada dhaqaalle ee Mareykanka uu bixinayo, waxayna warbixintu ku tilmaamtay haddii ay taasi dhacdo khalad weyn oo istiraatiijiyadeed, ” Waa khalad Istiraatiiji oo waxyeelo u geysan doona siyaasadda Mareykanka ee ku waajahan Geeska Afrika”. Ayay tidhi Warbixintu.

Kenya iyo Ethiopia, waxay qayb ka yihiin dhawr dal oo Afrikaan ah ee ciidamadoodu gudaha Soomaaliya kula dagaallamayaan Al-shabaab, waxayna dhaqaalle badan oo ku tiirsan yihiin ka taageerada reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse waxa suurta gal ah in haddii uu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Mr. Turmp ku adkaysto tallaabadaa ay wax badan iska bedelayaan arrimaha dhaqaalle ee dalalkaa iyo dhinaca amaanka ee arrimaha la dagaalanka argagixisada ku xididaystay mandaqada.