Dr Cali Khaliif oo lagu aasay maanta Muqdisho

0

Muqdisho-(Berberanews)-Alla ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Cali Khaliif Galaydh Hogaamiyihii Khaatumo oo 8-dii bishan ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee DDSI.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan geyiga Soomaalida, waxaana jiray shaki laga muujiyey sababta uu u geeriyooday, iyadoo qoyskiisu uu dalbaday in baadhis dheeraad ah lagu sameeyo.

Jinaasada marxuumka ayaa laga dejiyey Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaasoo lagu tukaday, waxaana markii lagu tukaday loo gudbiyey dhanka Xabaalaha.
Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in uu u geeriyooday cudurka Covid19.

Hase yeeshee mar sii horaysay waxa la sheegay in waxyeelo dhanka caloolsha ah ka soo gaadhay cunto uu cunay.

Cali Khaliif ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladdihii soo maray Somaaliya ilaa dhowr iyo lixadamaadkii.