“Dubai waxay ku jirtaa God”Ismaaciil Cumar Geelle

0

Hargeysa, (Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dawladda Jabuuti iyo Shirkaddaha Dekadaha Dubai.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhamaysteen qodobadii ay ku heshiiyeen.

Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray.

Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka.

Mr Geelle ayaa intaa ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diidayso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegayso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin.