Faallo Xiiso Leh: Dunida Carabta Oo Fahamtay Inay Samayn Karaan Isbedel Siyaasi Ah Oo Horomar leh Iyaga Oo Aan Adeegsan Is-qarxis Iyo Falal Argagixiso.

0


Dunida aan ku noolahay waxa soo maray Isbedelo faro badan oo ka turjumaaya dhinacyo badan, haba u muhiimsanaadaan Isbedelada siyaasiga ahi. Sida ku cad taariikhda dunida waxa ilaa iyo iminka la xaqiijiyey inay hirgaleen oo wax ku ool noqdeen kacdoonadii siyaasiga ahaa ee ay Shukaanta u hayeen dadweyne aan hubaysnayn, kuwaas oo xuquuqdooda siyaasiga ah iyo xuquuqdooda Aasaasiga ku soo xero galiyey qaab Isu-soobaxyo iyo Mudaaharaadyo aan hub wadan iyo gacan-ka-hadal.

Dunida reer galbeedku hore ayey u tijaabiyeen fikrada u dhanaysa Isticmaalka Maskaxda kana fogow Muquuninta Muruqa, waanay ku guulaysteen. Tusaale waxa kuugu filan qaabkii lagu kala furfuray Isbahaysigii Shuuciyada ee uu hogaanka u hayey Ruush-ku lana odhan jiray Midowgii Soviet Union. Kacdoonkii Shacab ee Europe-ta bari iyo Soviet Union lagu kala furfuraaye 1990-madii, waxa laga ilaaliyey in la isticmaalo wax kasta oo Argagixiso iyo dagaal dabada ku haya….Sababta oo ah Dalka Ruush-ka ee hogaaminaayey Isbahaysigii Shuuciyada waxa uu hormood ka yahay Quwadaha haysta hubka Casriga ah, sidaas awgeed Is-qarxis iyo Gacan-ka-hadal waxba lagagama heleen.

Haddii aan u soo noqdo Isbedeladan ka socda dunida Carabta waxaan odhan karaa waa kuwo loo baahnaa oo soo daahay, Caalmku waxa uu dareemay in Qoomiyadii Carbeed ay baraarugtay kana leextay wadadii khatarta badnayd ee ahayd *Ku hel Isbedelka Siyaasiga ah ee aad doonayso Is-qarxis, Is-halig iyo Qori Caaradii* Wasiirka Gaashaandhiga ee Israel Mr. Ehud Barak oo Warbaahinta la hadlaayey ayaan dhawed ayaa yidhi *Isbadalka keenay in Falastiniyiintu ka diga rogtaan Argagixisanimadii iyo Is-qarxinti una diga rogtaan dhinca bannaanbaxyo waaweyn oo aan hubaysbayn waa isbedelo nagu keenaya caqabado adag*

Waxaa jira xoog cusub, aragti cusub… Falastiniyiinta waxay dareemayaan inay markale isa soo saareen isna-muujiyaan iyaga oo ka fugaanaaya qaabkii hore ee Is-haligada kana faa’idaysanaaya banaanbaxyo aan hub wadan,” sidaas waxaa tidhi Hanan Ashrawi oo horre u ahayd xubin sare oo katirsanayd Ergadi Falastiiniyiinta uga qaygali jirtay wadahadallada.

Khabiir Isna Masri ah oo ka faalooda Siyaasada bariga dhex iyo Carabta ayaa maqaal uu ku qoray Wargaysga Al-ahraam ku xusay in Isbedelka Siyaasiga ah ee socdaa uu Bulsho-weynta Carabeed ka saaray Maskaxdoodii fikradihii, Cunfiga, Xagjirka iyo ncaybka ku salaysnaa, Khabiirka ayaa tusaale u soo qaatay Nin ka tirsanaa kooxdii Xagjirka ahayd ee dishay Madaxweynihii hore ee Masar Anwar Saddat, Gacan-ku-dhiiglaha oo soo dhamaystay Xadhig 30 sano ah lana soo daayey muddo iminka laga joogo bil ayaa la weydiiyey Su’aal ku jahaysan Damciisa Siyaasi, waxa aanu ku jawaabay *Waxa aan doonayaa in aan Xisbi Siyaasi ah furto oo Fikradayda ka iibiyo dadweynaha Reer Masar…..Cid aan Dilayaa iyo Cid aan khasbayaa midna ma jiri-doono*

Seddexdan qodo ee hoos ku qoran oo ay qaateen dhalinyaradii soo abaabulay kacdoonadii Shacab ee ka hirgalay Masar iyo Tunisia ayaa suurtagal ka dhigay inay ka midha dhaliyaan Isbedelkii ay doonaayeen .

1- In laga fogaado wax kasta oo dadweynaha kala qaybinaaya sida Ururo Siyaasi ah oo hore u soo jiray, Xisbiyada Xagjirka ah iyo Hogaamiyaasha Mayalka adag ee ku qadhaabta Diimaha, kooxaysiga, Gobolaysiga iyo Qabyaalada.
2- Isticmaalka Hubka wax Gumaada, Qori Caaradii, wax kasta oo ku sifooba Argagixisnimo sida Is-haligida iyo Is-qarxiska.
3- Hubka la Isticmaalayaa waa in uu noqda…Warbaahinta casriga ah, Website-yada, Facebook-yada, Mobile Phones-ka iyo Twitter-yada

By: Osman Abdillahi Sool……Freelance Journalist. sooldhuub@hotmail.com