Faddeexado musuqmaasuq oo dul hoganaya Guddida Qandaraasyada Qaranka

0

Hargeysa-(Berberanews)-Agaasimaha Guud ee guddida Qandaraasyada Qaranka, Jabarti Axmed Xasan. ayaa si cadaalad daro ah u sameeyay qaar ka mid ah shirkadihii ka qayb galay Tartankii Bad-qabka Gaadiidka dadwaynaha oo la baahiyay in tartan loo galo.

Agaasime Jabarti ayaa sameeyay is daba marin uu ku sameeyay qaar ka mid ah shirkadihii ka qayb galay tartanka, waxaanu ka qaaday laba ka mid ah shirkadihiii ku guulaystay isaga oo siiyay shirkad kale oo ay qaraabo yihiin, dadka qaarna ku sheegen in uu saami ku leeyahay.

Agaasime Jabarti oo dhowr sano hayay xilkan waxa uu xariif ku noqday qaabka laysu waydaariyo shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku guulaysta tartanka loo galo qandaraasyada kolba qaranka loo galo. waxa kale oo uu dhaafsada dano shaqsiyadeed oo isaga u gaara.

maalmaha soo socda waxay shabakada wararka ee Berberanews.com  idiin soo gudbindoonta  warbixino faahfaahsan iyo cadaymo ku saabsan Qandaraasyada uu sifaha qaldan u bixiyay Agaasime Jabarti.

Maxaa loo baahanyahay Marka tartan Qandaraas loo shaacinayo ummadda?

Berberanews.com, Hargeysa office

email, info@berberanews.com